Madaxweyne-xigeenkii hore ee FIFA Jeffrey Webb ayaa maxkamadda horteeda ku deedifeeyey inuu xidhiidh la leeyahay eedaymaha musuq-maasuq ee FIFA

FILE - This May 23, 2012 file photo shows CONCACAF president Jeffrey Webb speaking at the CONCACAF presidential election in Budapest, Hungary. Webb has been hospitalized in London after becoming ill on a flight. The 48-year-old Webb was forced to cancel a speech Wednesday, Oct. 10, 2012, at the Leaders in Football Conference at Stamford Bridge, two days after feeling sick on the flight. (AP Photo/MTI, Szilard Koszticsak, File)

Madaxweyne-xigeenkii hore ee FIFA Jeffrey Webb ayaa maxkamad ku taala Maraykanka la soo hor keenay kuna dedifeeyey in aanu xidhiidhin la lahayn eedaymaha musuq-maasuf ee Maraykanku FIF ku soo eedeeyey FIFA.

Jeffrey Webb ayey maxkamaddu ku soo rogtay ganaax 10 milyan ah iyo xabsi guri.

Jeffrey Webb ayaa waxa lagu eedeeyey ogolaansha laaluul u dhigma milyanaad doolar oo lagu kale iibsanayey xuqqa codaynta.

Jeffrey Webb iyo lix sarkaal oo ka tirsan FIFA ayaa lagu xidhay Iswisarland bishii May, tobaadkana lagu soo wareejiyey dawladda Maraykanka.

Jeffrey Webb ayaa noqonaya sarkaalkii ugu horeeyey ee saraakiishii lagu soo wareejiyey Maraykanka ee la horkeeno maxkamad.

Jeffrey Webb ayaa ku jiri doona xabsi guri tan iyo inta markaxamaddu go’aan ka gaadhayso dacwadiisa, waxaana loo ogol yahay in aanu gurigiisa ka fogaan 20 mayl ama 32 kiiloo mitir, waxaana dhaqdhaqaaqiisa la socon doonta maxkamadda.

Waxa la filayaa in saraakiisha kale ee FIFA ee loo soo gacan-galiyey in iyagana maxkamadda la hor keeno.

bandhige@gmail.com