Madaxweyne Yaxye Jammeh wuxu ogolaaday in uu xilka ka dego

 

Madaxweynihii hore ee dalka Gambia, Yaxye Jammeh ee lagu guulaystay doorashadii ka dhacday dalkaasi ayaa waxa uu ku dhawaaqay in uu xilka ka dagayo.

Yaxye Jammeh oo dalkaasi madaxweyne ka ahaa 22 sanno ayaa hadalkan ka jeediyay taleefishinka qaranka dalkaasi, isagoo sheegay in ay lagama maarmaan tahay in uusan daadan dhibic ka mid ah dhiiga shacabka Gambia.

Horay ayuu u diiday in uu aqbalo natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii Disiimbar ee aynu ka soo gudubnay.

Talabadan ayaa timid iyadoo dhexdhexaadiyaal ka socda Galbeedka Qaarada Afrika ay sacadihii la soo dhaafay la kulmayeen Yaxye Jammeh.

Dhexdhexaadiyaal ka socdo galbeedka Afrika ayaa dhowr saacadood la qaatay Jammeh si ay ugu qanciyaan in uu xilka banneeyo, inkastoo Yaxya Jammeh uusan wax fahfaahin ah ka bixinin heshiiska la gaadhay.

Ciidammada waddammada Galbeedka Afrika ayaa hakiyay qorshohoodii milateri inta laga soo gabagabeynayo kulankaasi.

Ciidammadaasi ayaa Khamiistii ka talaabay xuduudda Gambia, saacado yar un kaddib markii lagu dhaariyey madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow safaarada Gambia ku leedahay Senegal.

bandhige@gmail.com