Madaxwe
Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa ugu baaqay madax-dhaqameedka iyo wax-garadka reer Gar-adag inay doorka nabadgelyada iska taagaan mashaqada deegaanka ceel-afweyn, waxaanu Madaxweyne ku-xigeenku dadka deegaanka gar-adag u hoggo-tusaaleeyay qiimaha nabad-galyadda iyo ilaalinta midnimada iyo wada jirka ummada ku dhaqan deegaankaas, waxaana kamid ahaa hadal kooban oo halkaasi uu ka yidhi “Waxaynu nahay dad walaalo ah oo aanu ninna nin dheerayn, qof maanta inaga dhintana aynaan ka maarmayn, waxaan ka codsanayaa madax-dhaqameedka gar-adag inay doorka nabad-galyada iska taagaan dhinaca wanaagsan mashaqada ceel-afwayn,annaguna ka dawlad ahaan waxaanu ballan qaadaynaa in doorkayaga aanu ka ciyaarno arrintan ceel-afwayn sidii nabad loogu soo celin lahaa dadkaasi walaalaha ahna quluubtooda laysugu dhayi lahaa si ay mar-labaad usoo noqoto wax isu ahaanshihii ay caanka ku ahayd Sanaag “ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku.
Madax-dhaqameedka deegaanka gar-adag ayaa ballan qaaday inay wax kasta ka horaysiin doonaan nabad-galyadda iyo wada jirka ummadda islamarkaana ay xukuumadda garab ku siin doonaan sidii nabada ceel-afweyn loogu guulaysan lahaa.
bandhige@gmail.com