Madaxweyniha dibad-wareegga ahaa ee Yemen oo maanta dalkiisa ku laabtay

Madaxweynaha Yemen Cabdi Rabbi Mansuur Hadi ayaa maanta dalkiisa dib ugu soo noqday iyadoo uu sannad ku dhawaad ahaa dibad-wareeg kadib markii ay dalkiisa kale wareegeen Xuutiiyiintu isagoo firxadkii u baxsaday Sucuudi Carabiya.

Cabdi Had Mansuur waxa la aaminsan yahay sababta uu u soo noqday in ay tahay in uu dusha ka kormeero dagaal ba’an oo huwanta Sucuudigu hoggaamiyo ku ekeeyeen magaalada Ticis oo in muddo ah xuutiyuuntu gacanta ku hayeen taas oo imika laga saaray balse aan si dhammaysitran looga wada nadiifin.

Waa markii labaad ee Madaxweynaha Yemen ku soo laabto dalkiisa intii dagaalku ka socday isagoo Cadan 3 maalmood joogay bishii July.

Lama oga hadda inta uu ku sii negaan doono iyo guusha uu u yimid in ay halkaas ka sii socon doonto iyadoo la ogsoon yahay in uu dhawr jeer dib-u-dhac ku yimid xulufada Sucuudigu hoggaamiyo intii uu dagaalkani socday.

Bandhige@gmail.com