Kadib markii muddo dheer la isla dhex marayey suurtogalnimada in la soo dacwaynayo Sepp Blatter oo madaxweyne u ahaa FIFA 18 sanno, maanta ayaa Xeer-ilaaliyahay Guud ee FIFA uu ku dhawaaqay in u haystaan dacwad la xidhiidha 2 milyan oo Doollar oo laga shakisan yahay in uu sharci-darro ugu xawilay Michel Platini oo ah madaxa ururka kubadda cagta ee Yurub kaas oo qayb ka ah dalladda FIFA, isla markaana ah Madaxweyne-Xigeenka FIFA.
Lacagtan ayaa la sheegay in ay wada-jir u saxeexeen Sepp Blatter iyo Madaxweynihii hore ee FIFAย Jack Warner.ย
Jeegga lacagtan lagu bixiyey waxa la saxeexayย 12-kiiSeptember 2005 waxana la bixiyey 2011. Sida ay tibaaxayso warbixinta kooban ee Xeer Ilaaliyaha guud, waxa lacagtan loo ekaysiiyey in lagu qabanayo hawlo FIFA la xidhiidha.
Dacwaddan cusubi waxay ay ku soo beegmaysaa wakhti uuย Michel Platiniย isu soo sharaxay kursiga madaxweynenimada FIFA oo la filayo in doorashadiisu ay dhacdo bisha 12aad ee sannadkan.
Ururkan ugu weyn ciyaaraha dunida ayaa dhibaatooyin dhinaca sharciga iyo maamulka ah la tacaalayey laga soo bilaabo bishii shannaad ee sannadkan markii booliiska Iswiirsarlaan ay galeen hudheel Zurich ku yaal kana soo xidheen toddoba ka mid ah golaha fulinta ee FIFA iyagoo fulinaya codsi uga yimid maxkamadaha Maraykanka.
Dhacadadaasi waxay sabab u noqotay baadhitaano joogto ah iyo iscasilaad ku timid guddoomiyihii FIFA Sepp Blater.
Baadhitaannada FIFA lagu wadaa waxay gaar diirradda u saarayaan sidii loo bixyey qandaraasyadii martigelinta koobabka adduunka ee 2018 iyo 2022 oo ay ku kala guulaysteen Ruushka iyo Gadar, kuwaas oo la isla dhex marayo in laaluush laga bixiyey.
Il-wareed: Wakaaladaha Wararka
Hoos ka akhriso warar hore oo kan la xidhiidha:
Baadhitaannadii FIFA oo la filayo in ay galaaftaan xubno iyo ururro hor leh
Xoghayihii FIFA oo shaqadii laga joojiyey eedo musuqmaasuqna loo jeediyey
Ninkii labaad ee Afrikaan ah ayaa isku sharaxay jagada madaxweynenimada FIFA
FIFA oo magacowday madaxa dib- u-habaynta iyada oo ay dul hoganayaan eedaymo musuqmaasuq
Micheal Platini waxa uu ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay madaxweynaha FIFA
Wakhtiga ay dhacayso doorashada FIFA oo la cayimay
Madaxweyne-Xigeenkii hore ee FIFA wuxu iska difaacay eedaymo musuqmaasuq
Eedaymaha musuq-maasuq ee FIFA oo galaaftay madaxii xidhiidhka kubbadda cagta Bolivia
FIFA waxay xayiraad maamul saareen guddoomiyihii xidhiidhka CONCACAF Blazer
Maraykanku wuxu Iswiisarlaand ka dalbaday in ay u gacangeliso saraakiishii FIFA ee la xidhay
Booliska Caalamiga ahi wuxu FIFA ka xanibay 24.4 milyan oo Doollar
FIFA oo dib u dhigtay kala-xulidda waddamada u tartamaya martigelinka Koobka Adduunka ee 2026-ka
Caddaymaha musuq-maasuqa ee soo ifbaxayaa FIFA miyay gilgili doonaan mise way gambin doonaan?
Xubin ka mid ah Guddidii Fulinta ee hore ee FIFA ayaa qirtay eedaymo laaluush