Keligii taliyihii Kuuba u arriminayey 49-ka sanno Fidel Castro ayaa xalay geeriyooday.
Madaxweyne Fidel Castro oo ku geeriyooday 90 jir wuxu dalkaas hoggaaminayey intii u dhaxaysay 1959 ilaa 2008 isagoo soo kala qabtay labada xil ee ra’iisal-wasaare iyo madaxweyne. Wuxu xilka ku qabsaday inqilaab milatari.
Markii uu Castro la wareegay xukunka dalkiisa wuxu ballan qaaday in uu dimuqraadiyad ku soo rogayo, hase yeeshee wuxu dalkaas gacan bir ah ku hayey 49 sanno oo aan gorgortan lahayn, kadibna wuxu xilka uga degay walaakii.
Geerida Fidel Castro waxa ku dhawaaqay walaalkii Raul Castro oo hadda ah madaxweynaha dalka Cuba.
Fidel Castro waxa lagu xasuustaa in uu u babac dhigay dalweynaha Maraykanka oo ay jaar yihiin iyadoo ay dalkaas cadaawad xuni dhex taalay tan iyo intii uu xilka ka degayey. Wuxuuna si wanaagsan ula soo dabaashay dagaalkii qaboobaa ee dunida oo galaaftay nolosha hoggaamiyeyaal door ah oo ka hor yimid labadii quwadood ee wakhtigaa ugu xoogga weynaa, Maraykan iyo Ruush.
Dhawr jeer ayuu ka badbaaday shirqoollo la rabay in lagu khaarajiyo oo la aaminsan yahay in ay soo maleegeen hay’adaha sirdoonka Maraykanka. Sidoo kale wuxu ku guulaystay in dalkiisa oo cumo-qabatayn ba’ani saaran tahay uu kala dabaasho Bunbur iyo dhaqaale-xumo muddo nus-qarni ah.
Hase ahaatee Fidel Castro wuxu cimrigu ku simay in uu arko waddankii uu nus-qarniga caddaawadda kula jiray oo ay heshiiyeen dalkiisa xidhiidhkii diblomaasiyaddana soo ceshadeen kadib markii uu xilka ka maqnaa 8 sanno oo kali ah.
Soomaalidu Castro waxay ku xasuusan doontaa in uu ahaa ninkii jebiyey dawladdii Soomaalida markii ay dagaalka la gashay Itoobiya 1977, isaga oo saaciday in ay dawladda Intoobiya gacanta sare yeelato kadib markii ciidamada Soomaalidu ay gudaha u galeen masaafo dheer oo dalkaas ah.
Intaa wixii ka dambeeyey Castro indhaha dawladdii kacaanka ee Soomaalida wuxu ugu muuqday cadowga labaad ee ku soo xigay Mengistu Xayle Mariam, madaxweynihii hore ee Itoobiya.
BANDHIGE NEWS
Bandhige@gmail.com