Madaxweynihii hore ee Maamul-Goboleedka Soomaalida ayaa maanta maxkamad la soo taagay

Madaxweynihii hore ee Maamul-Goboleedka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta ka soo muuqday maxkamad ku taalla Addis Ababa.

Wararku aanaan weli xaqiijin karin waxay sheegayaan in Cabdi Maxamuud Cumar uu dalbaday dammiin in lagu sii daayo hase ahaatee aanay maxkamaddu u oggolaan.

Sidoo kale wararku waxay tibaaxayaan in maalinta berrito ah mar kale loo ballamay in maxkamadda lagu soo celiyo Cabdi Maxamuud Cumar.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa loo haystaa dambiyo ka dhan ah bani’aadanimada, kicin dadweyne iyo haysashada hub aan sharci ahayn.

Dadka sharciga aqoonta u leh oo uu Bandhige wax ka weydiiyey ayaa sheegaya in haddii qodobadaas lagu wada helo uu mutaysan doono xabsi muddo dheer ah.

Bandhige@gmail.com