Madaxweynihii hore ee Puntland oo la filayo in uu ka soo dego madaarka Cigaal

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa la filayaa in uu maanta markii koowaad ka soo dego madaarka Cigaal ee Hargeysa tan iyo intii uu madaxweynaha ka noqday Puntland.

Sida aan warka ku helayno socdaalka Madaxweyne Faroole lama xidhiidho arrimo siyaasadeed balse wuxu ku kooban yahay tacsi uu ugu imanayo qoyskii ay ka dhalatay Allaah ha u naxariistee marxuumad Aamina Abiib Cilmi, oo dhalasho ahaan ka soo jeedday Somaliland kadib markii uu dhawaan wiil ay dhashay ku dilay Garoowe 9kii April 2015.

Waxa filayaa in xubno ka tirsan xukuumadda iyo odayaal-dhaqameed ay Madaxweyne Faroole kaga hor tagaan madaarka Cigaal si ay u soo dhaweeyaan.

Weli ma cadda tirada maalmaha uu Faroole sii joogi doono Hargeysa.

Kala soco bandhige wixii warar dheeraad ah oo kasoo kordha safarka Faroole.

bandhige@gmail.com