Madaxweynihii hore ee Puntland waxa lagu soo dhaweeyey Hargeysa

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa socdaal gaar ku yimid markii koowaad Hargeysa tan iyo intii uu madaxweynaha ka noqday Puntland.

Faroole ayey garoonka diyaarraddaha Cigaal ee Hargeysa ku soo dhaweeyeen salaadiin iyo masuuliyiin dawaladda ka tirsan.

Soo dhawaynta Faroole ayaa saxaafadda loo diiday in ay war ka qaataan, hase yeeshee qaar ka mid ah salaadiintii soo dhawaysay ayaa warbaahinta kula hadlay barxadda hore ee garoonka diyaaradaha Cigaal oo uu ka mid ahaa Afhayeenka Salaadiinta Beelaha Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey. Waxa hadalladiisii ka mid ahaa:

“Haddii aanu nahay salaadiinta Somaliland waxaanu soo dhawaynay Madaxweynihii hore ee Puntland oo u yimid arrimo shaqsi ah,  gaar ahaan geeridii ku timid xaaskiisii. Intii uu Madaxweynaha ahaa saddex jeer ayaanu u tagnay annaga oo ah dhaqankii Somaliland, saddexdaa jeerba si wacan oo qiimo leh ayuu Cabdiraxmaan Faroole noo qaabiley. Hadda waanu soo dhawaynay, wixii danbeba waanu iswaraysan doonnaa.”

Suldaan Xiirey wuxu Cabdiraxmaan Faroole iyo shacbiga Puntland ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Aamina Abiib Cilmi oo ahayd xaaska Faroole. Wuxuna yidhi:

“Cabdiraxmaan Faroole iyo Puntlandba waxaanu ka tacsiyeynaynaa geeridii ku timid xaaskiisii marxuumad Aamina Abiib oo dhawaan wiil ay dhashay uu ku dilay Garoowe. Waa geeri ku dhacday oo ka dhacday. Dawladdii way joogtaa, odayaashii dhaqanka Somaliland oo dhan ayaa jooga, waa nin sharaf iyo karaamo ka mudan Somaliland, waa nin aynu xidid nanay.”

Waxa kale oo ka hadlay soo dhaweynta Faroole suldaanka guud ee Gobolka Gabiley Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan waxaana hadalladiisii ka mid ahaa:

“Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole wuxuu ahaa nin qiimo badan markii uu madaxweynaha ahaa. Wuxuu ahaa nin intan iyo in ka badan lagu soo dhaweeyo oo u qalma.  Annigu waxaan ka mid ahaa salaadiintii ugu horeysay ee Somaliland ka tegta ee Garoowe tegta. Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa noola hadlay oo nagu balamiyey, isna isagoo tix-gelin badan u haya madaxweynaha, annagana na tix-gelinaya ayuu si qiimo badan  noo soo dhaweeyey, wixii aanu u soconayna wuu noo dhammeeyey.”

Suldaan Ismaaciil isagoo hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi:

“Waxa uu ahaa nin arrimaha Somaliland meel fiican ka taagan, maantana Somaliland isaga haddaanu nahay dhaqankii iyo hadday xukuumadda tahayba iyo hadday mucaarid tahayba meel fiican baa laga taagan yahay, arrimihiisa shaqsiga ee uu yimid si fiican baanu ula dhammaynayaa.”

Socdaalka Madaxweynihii hore Faroole lama xidhiidho arrimo siyaasadeed balse wuxu ku kooban yahay tacsi uu ugu imanayo qoyskii ay ka dhalatay Allaah ha u naxariistee marxuumad Aamina Abiib Cilmi, oo dhalasho ahaan ka soo jeedday Somaliland kadib markii uu wiil ay dhashay ku dilay Garoowe 9kii April 2015.

Waxa la filayaa maalmaha uu joogo Faroole in uu inta badan kulamaddiisu u badnaan doonaan arrimo qoys.

Weli ma cadda tirada maalmaha uu Faroole sii joogi doono Hargeysa.

Kala soco Bandhige wixii warar dheeraad ah oo kasoo kordha booqashada Faroole.

bandhige@gmail.com