Magaalada Ceerigaabo oo siweyn looga oogay labada Ragcadood ee Ciidul-adxa

Bulshaweynta magaalada Ceerigaaboย  ย ayaa isugu soo baxay garoonka kubadda cagta Daallo Stadiom, isla markaana halka ku oogay labada ragcadood ee salaada Ciidul Adxada.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha wakaalada wararka Somaliland ee SOLNA ee magaalada Ceerigaab Maxamuud Maxamed Xasan Saraaf, waxa qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Ceerigaabo kala soo qayb galay tukashada Salaadii Ciidul Axadda, ย ย ย Guddoomiyaha gobolka ย Sanaag Axmed Cabdi Muuse iyo Duqa magaalada Ceerigaabo Ismaacil Xaaji Nuur, taliyaha qaybta booliska ee gobolka Samaag Gaashaanle Dhexe ย Muuse Xasan Kaahin, isudโ€™uwaha wasaaradda diinta iyo awqaafta Siciid Axmed Warsame Khadiibka Magaalad Ceerigaabo Sheekh SIciid Caraale.

Markii laga soo baxay tukashada labada ragcadood ee Salaada Ciidul Adxadda waxa ay masuuliyiintaasi bulshada u jeediyeen khudbado la xidhiidha weyneynta maalinta Ciidda, waxaanay ย ย bulshada ugu hanbalyeeyeen munaasibada Ciidda, waxaanay bulshada ka codsadeen adkaynta nabadgelyada, sidoo kale waxa ay fareen in ay isa-saamaxaan carruur iyo ciroole.

Dadka soo ciidaystay waxa wajiyadooda laga dheehanayay farxada Ciida waxaanay isugu aad u weyn iyo acmaashii ay soo guteen tobankii cisho ee u khayrka badna