Shirkan oo socday muddo saddex maalmood ah, waxa ka qayb-galay siyaasad-dajiyayaal, hogaamiyayaal ganacsi iyo u dhaq-dhaqaaqayaal deegaan, waxaana gabagabadiisii laga soo saaray baaq taabanaya sidii iskaashi dhab ah oo dhanka isbadelka cimilada ahi u dhex mari lahaa Afrika iyo dunida inteeda kale.
Shirka ayaa ugu horeyntii baaq u diray dalalka doorka weyn ka qaata dikhowga/wasakheynta hawada ee sababa Isbedelka Cimilada, taasi oo Afrika ay dhibane ka tahay, waxa ay hogaamiyayaasha Afrika soo jeediyeen canshuuro cusub oo caalami ah iyo dib-u habeyn lagu sameeyo hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah si ay gacan uga geystaan maal-gelinta howlaha isbeddelka cimilada.
Sidoo kale Shirka ayaa jeediyey Abuurista iyo dejinta siyaasadaha, xeerarka iyo hab-raacyada taageeraya adeegsiga hal-abuurada Deegaanka la saaxiibka ah, kuwaas oo wax wayn ka geysan kara bad-qabka iyo dib u soo nooleynta deegaan ku haboon nolosha, isla markaana sahlaya adeeg bixinta iyo sidoo kale ku dhiirashada ka qeyb-noqoshada dedaalada lagu suul-daarayo waxyeelada Isbedelka cimilada.
Waxa kale oo shirku xusay xoojinta talaabooyinka ka dhanka ah dhir jarista, xaalufka iyo nabbaad-guurka deegaanka, lumitaanka kala duwanaanshaha noolaha iyo dib u soo nooleynta deegaanka burburku gaadhay, iyadoo shirku qeylo-dhaan ka soo saaray korodhka xad-dhaafka ah ee magaalo-galka dalalka Afrika iyo qorshe la’aanta jirtaa saameynta ay yeelan doonto mustaqbalka, iyada oo magaalooyinku noqon karaan ilaha khatarta iyo masiibooyinka hadii aan laga fikirin oo aan la dejin qorsheyaal la jaan-qaadaya Isbedelka Cimilada.
Somaliland ayaa ka mid ahayd dalalkii shirkaasi ka qayb-galay, iyadoo halkaasi ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimiladda iyo qaar ka mid ah dhalinyarada reer Somaliland ee u dhaq-dhaqaaqda arrimaha deegaanka.
Cabdicasiis Caydiid Yamani