Malaayiin Xujaaj ah oo taagan buurta Carafo

Tiro kor u dhaafaysa 2 Milyan oo Muslimiin ah oo iska kala dalalka badan ayaa maanta u taagan buurta Carafo, iyagoo gudanaya waajibaadkooda xajka ee sannadkan.

Dadka xajka gudanayaa ayaa waxay u maanta maalinta sagaalaad ee Xajka, taasi oo beritoolena ay ku began tahay maalinta ciida ah ee ay qali doona neefafka.

Sidoo bulsho weynta Muslimiinta ah ee aan xajka iman ayaa iyaguna maanta soomayaa, soomkaas oo Ilaahay kaga dhanbi dhaafo sannadkii hore ee tegay iyo sannadka soo socda acmaasha khaldan ee ka dhaca waa qofkii soomkaas Alle ka aqbalo e.

Tirada Soomaalida Xajka ka qayba gashay sannadkan ayaa lagu qiyaasaa in ka badan 20 kun oo qof oo iska kala yimid waddamo badan.

Ilaa hada waxyeelo oo la soo sheegay ma jirto oo soo gaadhay xujaajta. Dawlada Sucuudiga ayaa ku dadaashay sidii ay u yareyn lahayd saxmadda gawaadhida faraha badan ee iskaga kala gooshaysa xajka.

Adeegyada xujaajta ee ay dawlada Sucuudigu u fidisay ayaa ah qaar aad u heer sareeya oo u sahlaya in ay xujaajtu xajkooda gutaan.

xajka

bandhige@gmail.com