Malala Yuusuf oo cambaareysay hadalkii Donald Trump

Malala Yuusuf oo ah qofka ugu da’da yar ee ku guulaysa abaalmarinta nabadda ee loo yaqaano Nobel-ka ayaa cambaaraysay hadalkii Donald Trump oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynenimo ee Maraykanka gaar ahaa musharaxiinta ku dhex tartamaya xisbiga Jamhuuriga.

DonaldTrump ayaa waxa uu sheegay in uu Muslimiinta ka mamnuucayo Maraykanka haddii xilka madaxweynaha loo doorto.

Malala oo ah 18 jir u ololaysa arrimaha waxbarashada ayaa sheegtay in aanay Muslimiinta oo dhami aanay argagixiso ahayn oo aan lagu eedayn karin waa sida uu hadalka u dhigay Trump, balse ay jiraan qaar xagjir ahi.

Malala ayaa waxa hadalkan ka sheegay sannad guuradda koowaad ee  ka soo wareegay dilkii ardayda 145 ee ay kooxda Daalibaan ku weerareen dugsi ay dhiganayeen.

Malala Yuusuf ayaa waxay sheegtay in ay tahay in la kala sooco Muslimiinta xag jirka ah iyo kuwa kale ee aan ahayn madaama ay in yar uu tahay xagjir.

Trump ayaa waxa cambaareyn badani kaga timid dhinaca Muslimiinta oo dhibsaday hadalkiisa.

bandhige@gmail.com