Mandheera: 200 boolis ah oo tababar habka cashuur ururinta ah loo furay

Xarunta tababarka ciidanka Booliska ee Mandheera ayaa waxa tababar loog furay 200 askari oo ka tirsan ciidanka booliska.

Tababarkan ayaa waxa ku saabsan hanaanka cashuur ururinta. Furitaanka tababarkan ayaa waxa ka soo qayb galay wasiiru dawlaha Maaliyadda, Wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha gaar ahaan Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Booliska iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka Booliska.

Ugu horeyn waxa ka furitaanka tababarkan Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdillahi Fadal Iiman, waxaanu yidhi:

“waa in uu ogaada askariga bilayska goob kasta oo uu joogo waa in garanayo waajibkiisa Qaran ee loo igmaday, waa in uu aqoon u leeyahay maxaa macna ah oo loo dan leeyahay dhalinyarada sakarandariga ka soo baxday ee ay inta badani tagayso ilaalinta cashuuraha ama taraafiga waxa looga dan leeyahaya in ninku waxna qori karo waxna akhriyi karo.”

Sidoo kale waxa isagu ka hadlay Wasiiru-dawlaha Wasaarada Maaliyada Cismaan Cabdillahi Saxardiid (Cadaani), waxaanu yidhi:

“Waxaanu nahaya kuwa laga sugayo mushaharka macallimiinta, ka dhakhaatiirta iyo ka wadooyinka la dhisayo. Wasaaraddu waana ijiinka ay ku dhaqaaqdo Somaliland, waxaanu rabnaa qof tababar oo dakhliga aan musuqmaasuqayn oo aan been ka sheegayn oo wuxuu u dhaartaye dakhli xalaal ah oo aanu dalka iyo dadka wax ugu qabano ka qayb qaadanaya.”

bandhige@gmail.com