Maraykanka: Banaanbaxyo lagu diidan yahay Donald Trump ayaa ka bilaabmay

Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo waaweyn oo ku yaalla Maraykanka, kuwaas oo lagu diidan yahay doorashada Donald Trump loo doortay in uu noqdo madaxweynaha Maraykanka.

Kumanaan qof ayaa hor dhoobtay dhismaha Trump Tower ee New York, kuwaasoo diiddan siyaasadaha Trump ee dhanka soo galootiga, xuquuqda nimow naagga, iyo xuquuqda dhalmada.

Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?

Kumanaan kale ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Chicago, Philadelphia iyo San Francisco. Portland, Oregon, dad mudaaharaadayey ayaa muddo yar waxay xireen waddo weyn oo gawaaridu marto.

Dadka mudaaharaadayey waxay ku dhawaaqayeen ‘ma aha madaxweynahayga’, kalmadaasoo aad looga isticmaalayo baraha bulshada gudaha Maraykanka

Trump wuxu galinka dambe ee maanta la kulmi doonaa Madaxweyne Obama

bandhige@gmail.com