Maraykanka: Ilaaladda Aqalka Cad oo toogtay nin hubaysan

 

Khalkhal ayaa ka taagnaa Guriga Cad ee looga arrimiyo Maraykanka kadib markii albaabka hortiisa lagu toogtay nin  hubaysan oo aan weli magaciisa la shaacin.

Waxa laga toogtay caloosha kadibna waxa loola cararay cusbitaalka si loo daweeyo. Wararku waxay sheegayaan in uu gaadhay dhaawac aad u culus oo ay dhici karto in uu u dhinto.

Guriga Cad ee Maraykanka ayaa dhacdadan kadib xalay lagu soo rogay xaalad degdeg ah iyada oo la diiday cid gasha iyo cid ka soo baxda. Sidoo kale waxa la geeyey ciidamo amni ah oo dheeraad ah oo suga ammaanka guriga cad ee Maraykanka.

Marykii uu weerarku dhacay Barack Obama wuu maqnaa oo Maryland ayuu kubadda ‘Gulf-ta” loo yaqaan ku ciyaarayey hase ahaatee waxa joogay Madaxweyne-Xigeenka Joe Biden. Waxa Madaxweyne-Xigeenka markiiba lagula carary goob gaar ah oo amnigeedu sugan yahay oo ku dhex taalla guriga cad, goobtaas oo loogu talo galay in madaxda Maraykanku ku bedbaadaan haddii ay xaaladdan oo kale timaad.

Booliska ayaa u sheegay taleefishinka ABC News in nin uu qori ku lulalay meel u dhaw bar koontorool oo u dhaw dhismaha calooshaana laga toogtay.

Aqalka Cad ayaa sannadihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacay dhowr fal oo ammaanka la xidhiidha, taas oo horseedday in isbedello lagu sameeyo habka uu u dhisan yahay Aqalka.

Bishii Abriil, ilaalada Madaxtooyadda ayaa waxa ay qabteen nin isku dayay in uu koro dayrka Aqalka Cad.

2014, Cumar Conzalez oo ah halyeey ka soo dagaalamay waddanka Ciraaq ayaa ka booday dayrka waxaanu ku orday dhismaha isagoo mindi wata.

Isla sannadkaasi, canug yar ayaa isku cidhiidhi ku galay mid ka mid ah albaabada dayrka waxaana lagu qabtay barxadda hore ee Aqalka.

2013, nin ayaa isku dayey in uu gaadhi ay ka buuxaan mindiyo iyo rasaas uu ku dhufto mid ka mid ah baraha koontorool ee Aqalka.

2011, Oscar Ortega-Hernandez, ayaa lagu toogtay Aqalka Cad waxaana lagu eedeeyay inuu isku dayayay inuu dilo Mr Obama ama mid ka mid ah shaqaalihiisa.

Mr Ortega-Hernandez, ayaa rumeysnaa in Alle uu siiyay howlgal u gaar ah oo uu ku weeraro Aqalka Cad, sida ay sheegeen ila wareedyo ka tirsan ammaanka.

bandhige@gmail.com