Maraykanka iyo NATO waxay Ruushka uga digeen in uu ku lug yeesho dagaalka Suuriya

Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka John Kerry iyo Xoghaya Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa wada-jir digniin ugu diray Ruushka iyagoo uga digay warar sheegaya in ciidamo Ruush ahi ay soo gaadheen saldhigga milatarig ee la yidhaa Bassel al-Assad International Airport. Sidoo kale sawiro dhinaca satalaaytka ah ayaa muujiyey in warkaas uu wax ka jiro.

Kerry wuxu u sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov in farogelinta Ruushku ee Suuriya aanay waxba soo kordhinayn laakiin ay uga sii darayso qulqulatooyinka ka socda Suuriya, sidoo kale waxay sheegeen in farogelin kasta oo Ruushku ku sameeyo Suuriya ay ka hor imanayso dedaallada caalamiga ah ee Bulshada Caalamku ay ku rabto in ay ku soo afjarto colaadaha Suuriya.

Maraykanka iyo NATO waxay sheegeen in ay taageersan yihiin oo kaliya dedaallada Qaramada Midoobay ay ku daminayso rabshadaha dhiigga badan ku daatay ee Suuriya.

Ruushku wuu dafiray in ciidan ay leeyihiin ay ka dagaalgali doonaan Suuriya in uu shixnad milatari keenay, laakiin wuxu qirtay in saldhiggaas ay xukuumadda Ruushku u soo dirtay shaqaale gargaar aadaminimo gaadhsiiya dalkaas, agabka ay halkaas geeyeena uu ahaa mid bani’aadamnimo.

Bandhige@gmail.com