Maraykanka oo dadkiisa jooga dhinaca koonfureed ee Turkiga ka daad-guraynaya

Tani iyo intii uu Dawladda Turkigu faraha la galeen dagaalka Suuriya ayaa waxa Turkiga ka dhacay qaraxyo kale duwan oo lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo ay dadku isku yimaadaan. Kadib qaraxyadaa waxay dawladda Maraykanku sheegtay in ay ka daad-guraynayaa dadweynaha u dhashaya dalkiisa ee ku sugan koonfurta Turkiga.

Sida uu sheegay Afhayeen u hadlay Maraykanka ayaa arrintan ku tilmaamay cabsi xaga ammaanka ah, cabsidaas ayaa waxa ay tahay mid Maraykanku aad uga digay kuna baaqay in uu kala baxayo dadka u dhashay.

Saldhiga ugu weyn ee Maraykanka uu ku leeyahay koonfurta Turkiga ayaa looga duulaa kooxda Daacish.

Dawladda Turkigu wali wax war ah kamay soo saarin warkan ka soo baxay dawladda Maraykanka.

bandhige@gmail.com