Maraykanka oo Israel u raadinayaa $17.6 Billion oo taageero Milateri ah

Sharci siinaya $17.6 bilyan oo kaalmo militari oo cusub Israa’iil marka ay dagaal kula jirto Xamaas ayaa Sabtidii lagu soo bandhigay aqalka Congress-ka Maraykanka.

Hindise sharciyeedkan maalgelinta ayaa laga yaabaa inuu u codeeyo aqalka oo dhamaystiran usbuuca soo socda, sida ku cad warqad afhayeenka aqalka Mike Johnson uu u diray xubnaha.

Aqalka ay u badan yihiin Jamhuuriga ayaa hore u ansixiyay $14.3 bilyan oo gargaar milatari oo cusub oo la siinayo Israa’iil, laakiin shuruudda ah in la bixiyo iyada oo dib loo soo celinayo qayb lacageed oo loogu talagalay Adeegga Dakhliga Gudaha ee Maraykanka.

Senetka ay maamusho Dimuqraadiga ayaa ku gacan seydhay qodobkaas waxaana la filayaa in uu soo bandhigo xidhmo sharci ah oo ka caawin doona Israa’iil iyo sidoo kale in taageero militari oo dheeraad ah la siiyo Ukraine dagaalka ay kula jirto Ruushka.

Isla sharcigan Senate-ka ayaa la filayaa inuu ka koobnaado soo jeedinta lagu xoojinayo ammaanka xadka koonfurta Maraykanka uu la wadaago Mexico.

Hogaamiyaha Aqlabiyadda Senetka Chuck Schumer ayaa qaaday tillaabooyin uu ku bilaabayo ka doodista hindise sharciyeedkan oo dhinacyo badan leh usbuuca soo socda, iyada oo codeynta ugu horeysa ee la qabanayo Arbacada.

Sida laga soo xigtay guddiga qoondaynta aqalka, Lacagtan $17.6 bilyan waxaa ku jiri doona lacag lagu kaalmeeyo buuxinta nidaamka difaaca gantaallada ee Israa’iil, soo iibinta habab hub oo dheeraad ah, iyo soo saarida madaafiic iyo rasaas kale.

Qaar ka mid ah dhaqaalahan ayaa sidoo kale loo isticmaali doonaa in lagu buuxiyo hubkii Maraykanka uu siiyay Israa’iil ka dib weerarkii Xamaas ee 7-dii October ay ku qaadeen Israa’iil.

“Baahida loo qabo inaan taageerno xulafadayada dhow iyo ciidamadeena ku sugan gobolka waligood ma ahayn kuwo aad u sii cadaadis badan,” Johnson ayaa ku yidhi warqadda uu u diray asxaabta.

Ma cadda in xubnaha aqalka midigta fog ay ka hadli doonaan maalgelinta Israa’iil iyada oo aan la helin qaddar la mid ah kaydka meel kale oo ka mid ah miisaaniyadda.

Senetka ayaa doonaya in lagu daro kaalmada Taiwan oo qayb ka ah sharciyada kaalmada.

Xigasho:wergeyska dawan

Bandhige@gmail.com