Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka John Kerry ayaa Sucuudi Carabiya u yimid si uu u dejiyo saska ay xukuumadda Sucuudiga iyo xulufadeeda Khaliijku ka qaadaan cilaaqaadka hagaagay ee u dhaxeeya Marayknaka iyo Eeraan iyo cuno-qabatayntii laga dul qaaday Iiraan 17-kii January 2016-ka, taas oo Iiraan u suurogelisay in ay dib ugu soo laabto dhaqaalaha dunida.
John Kerry wuxu kulan Riyaad kula qaatay boqorka dalkaa Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed Bin Salmaan oo ah dhaxal-sugaha labaad isla markaana ah Wasiirka Gaashaandhiga.
Shir-saxaafadeed ay xogyaha iyo boqorku wada qabtay wax yar kadib kulan ay wada qaateen wuxu John Kerry ku sheegayin Maraykanku ka walaacsan yahay dhaqdhaqaaqyada ay Eeraan ka waddo bariga dhexe, gaar ahaan taageerada ay siiso qaar ka mid ah ururrada argagixisada sida Xisbullah.
Sucuudiga iyo xulufadiisa Khaliijku waxay walaac ka muujinayeen Maraykanka oo aan wax lug ah ku lahayn arrimaha ay Eeraan ku mashquulsan tahay ee Bariga Dhexe.
Eeraan iyo Sucuudiga waxa u dhexaysa colaad soo jireen ah waxayna colaaddoodu sii korodhay kadib markii Sucuudigu uu dil ku fuliyey sheekh Shiico ah oo la yidhaa Nimr Al Nimr taas oo keentay in dadweyne Eeraaniyiin ah oo gadoodsani ay gubaan qunsuliyad Sucuudigu ku lahaa Eeraan taasina ay keentay iyo Sucuudiga iyo waddamo ay saaxiibo yihiin ay xidhiidhka u gooyaan Eeraan.
Dadka siyaasadda daraaseeya siyaasadda Bariga Dhexe ayaa tibaaxaya in hadalka John Kerry aanu waxba soo kordhinayn mar haddii cuno-qabatayntii 13-ka sanno saarnayd Eeraan laga dulqaaday taas oo u suurto galinaysa iyo dhaqaalaheedu uu kor u kaco isla maraana ay mar kale ka mid noqoto dunida ganacsiga is weydaarsata.
Bandhige@gmail.com