Maraykanka waxa uu sheegay xadiday hubka uu Sacuudiga ka iibiyo

Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay xadidi doonto hubka ay ka iibiso Sacuudiga iyada oo badhtanka lagaga jiro walaaca ku aadan dhibaatooyinka soo gaadhaya shacabka Yemen ee lala xidhiidhinayo duqaymaha dhanka cirka ah ee ka socda Yemen.

Sarkaal u hadlay wasaaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in aysan Sacuudiga u diri doonin hubka meelaha fog laga hago.

Maamulka madaxwayne Obama ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay khaladaadka ka dhacaya duqaymaha dhanka cirka ah ee Yemen lagu bartilmaameedsanayo.

Afhayeen u hadlay guddiga qaran ee ammaanka dalka Maraykanka ayaa intaas ka dibna sheegay in iskaashiga ay Sucuudiga la leeyihiin ee dhanka ammaanku aysan ka dhignayn isla xisaabtan la’aan.

 

bandhige@gmail.com