Maraykanku waxa uu ka digay weeraro ay kooxda Al-shabaab ka gaystaan guddaha Kiiniya

 

Dawladda Maraykanka ayaa Kiiniya uga digtay suura galnimada weeraro Al-shabaab qorsheynayaan in ay ka geystaan gudaha dalka Kiiniya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Maraykanka.

Warka ka soo baxay dawladda Maraykanka ayaa lagu sheegay in ay jirto cabsi laga qabo weeraro Al-shabaab ka geystaan magaalooyinka dhaca xeebaha dalka Kiiniya.

War ka soo baxay sirdoonka Maraykanka ayaa loo gudbiyay sirdoonka dawladda Kiiniiya, waxaana lagu wargeliyay in ay jiraan xogo amaan oo la helay, kuna saabsan weeraro Al-shabaab la damacsan yihiin xeebaha dalka Kiiniya.

Muwaadiniinta Maraykanka ee kusugan dalka Kiiniya, ayaa lagu wargeliyay in ay yareeyaan dhaqdhaqaaqa ay ka sameynayaan magaalooyinka dhaca dhanka xeebaha dalka Kiiniya.

Ugu danbeyntii, Kiiniya ayaa sheegtay in ay heegan buuxa gelisay ciidamada dalkeeda, si looga hortago weerarada Al-shabaab damacsan yihiin in ay ka geystaan gudaha dalkaasi Kiiniya.

Xigasho: Hubaal Media

bandhige@gmail.com