Linda Thomas oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee Afrika ayaa waxay ku eedaysay Ruwaanda in ay ku lug leedahay qalalaasaha ka ka socda Burundi, taas oo ay sheegay in Ruwaandi ay ka waddo Burundi tallaabooyin milatari.
Linda Thomas-Greenfield ayaa guddi ka tirsan aqalka congress-ka Maraykanka u sheegtay in Ruwaandi ku waddo Burundi tallaabooyin milatari.
Sidoo kale Linda Thomas-Greenfield waxa ay sheegtay inay sidoo kale ka walaacsan yihiin warbixin la isku halleyn karo oo sheegaya in Ruwaandi ay askar ahaan u qoreyso qaxootiga Burundi ee ku sugan xerooyinka ku yaalla Ruwaanda.
Waxay u soo jeedisay Ruwaandi ay faraha kala baxdo qalalaasahan oo ay ka qaadato qalalaasaha kaalin wax dhisid ah.
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Burundi, Alain Nyamitwe, ayaa sheegay in Burundi ay muddo ka digaysay farao-gelinta Ruwaandi ku hayso guddaha Burundi, waxaanu ugu baaqay Maraykanka in ay tallaabo ka qaadaan Ruwaanda.
Ruwaanda ayaan wali ka jawaabin dhalleecaytan uga timid Maraykanka iyo Burundi, inkasta guddaha Ruwaanda xerooyin qaxoonti uga furan yihiin dadka ka qaxay Burundi.