Maraykanku waxa uu ugu baaqay Turkiga in ay joojiyaan weerarada Kurdiyiinta

Ku-xigeenka lataliyaha ammaanka Maraykanka Ben Rhodes, ayaa sheegay in Aqalka Cad uu kasoo horjeedo, dadaalka Turkiga uu ku doonayo in uu howlgalkiisa ciidan ku ballaadhiyo koonfurta Suuriya.

Hadalka mas’uulkan ayaa kusoo beegmaya xilli Maraykanka uu aad uga cadheysan yahay dagaalka waqooyiga Suuriya ku dhexmaraya Turkiga iyo xooggaga Kurdiyiinta oo labaduba xulafo la ah.

Waaxda difaaca ee Maraykanka, Pentagon, ayaa sheegtay in dagaalkaasi aan la aqbali karin, waxaana uu Maraykanka labada dhinac ugu baaqday in ay xoogga saaraan duulaanka ka dhanka ah ururka isku magacaabay dawladda Islaamiga.

Dhanka kale, Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Obama uu dhigiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, Axada soo socota uu kula kulmi doono shir-madaxeedka G20 ee ka dhici doona Shiinaha.

bandhige@gmail.com