Maraykanku wuxu Guantanamo ka sii daayey 5 maxbuus oo Yemeniyiin ah

Xukuumadda Maraykanka ayaa oodda ka qaaday 5 nin oo Yemeniyiin ah oo muddo 10 sanno ka badan ku xidhnaa xabsiga Guantanamo Bay iyadoo loo haystay argagixiso balse aan Maxkamad la hor gayn.

Ragga la sii daayey waxa magacyadooda lagu sheegay Ali al-Razihi, Khalid al-Qadasi, Adil al-Busays, Sulayman al-Nahdi iyo Fahmi al-Asani.

2009-kii ayuu Madaxweyne Barack Obama amray in la qiimeeyo kadibna sida ugu suurto-galsan loo kala horo maxaabiisna albaabadana loo xidho Guantanamo Bay, hase ahaatee ilaa hadda weli xabsigii wuu xidhan yahay oo maxaabiis ayaa ku jirta.

Sida uu sheegay guriga Pentagon-ku, maxaabiistan oo loo gudbiyey Imaaraadka waxa qayb ka qaatay xukuumadda Imaaraadka oo si dhaw ula shaqaysay madaxda xabsiga iyo xukuumadda Maraykanka.

Waxa hadda xabsiga Guantanamo ku sii hadhay 107 maxbuus.

Bandhige@gmail.com