Maraykanku wuxu Iswiisarlaand ka dalbaday in ay u gacangeliso saraakiishii FIFA ee la xidhay

Maraykanku wuxu doonayaa in saraakiishii FIFA ee lagu xidhay Iswiisarlaand gacantiisa la soo geliyo si uu isagu u maxkamadeeyo. Sidaana wuxu ku sheegay warqad rasmi ah oo uu u gudbiyey dawladda Iswiisarland taas oo uu kaga dalbanayo in loo gudbiyo raggii uu musuqmaasuqa ku eedeeyey bishii Abril.

Madaxa caddaaladda Iswiisarland ayaa xaqiijiyey in warqadda dalabku soo gaadhay 1dii Julaay, afartan maalmoodย ka dib wakhtigiiย la eedeeyey.

Dalabkan ayaa ku salaysan baadhitaanka ay Maraykanku ku soo bandhigayaan laaluul la sheegay in ay qaateen madaxda sare ee kubadda cagta, kaasย oo gaadhaya 150 milyan oo Doollar.

Toddobadan sarkaal ee FIFA haddii lagu wareejiyo Maraykan isla markaana hagu helo dambiga lagu eedeeyey waxa ay mudan doonaan 20 sanno oo xadhig ah.

Booliska Zurich ayaa haysta 14 maalmood oo ay dalabkan kaga jawaabceliyaan. Go’aanka ah in la dhiibo iyo in la dhiibi waayo waxa go’aamin doonta Waaxda Caddaaladda Iswiisarlaand.

Toddobadan waxa la taxaabay 27-kii Abril, waxaan ku jira madaxweyne xigeenkii FIFA Jeffrey Webb, Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee FIFA Eugenio Figueredo, Madaxweynaha xidhiidhka Kosta Rika Eduardo Li, Guddoomiyihii hore ee xidhiidhka Baraasiil Jose Maria Marin, guddoomiyaha xidhiidhka Fenasuwala Rafael Esquivel, Julio Rocha oo ah madaxa shaqaalaha FIFA, iyo Costas Takkas oo ka shaqayn jiray barta madaxweynaha xidhiidhka CONCACAF.

Bandhige@gmail.com