Maraykanku wuxu kordhinayaa duqaynta Suuriya, Ruushkuna wuu hanjabayaa

 

Dagaalkii ka socday Suuriya ayaa waji cusub qaatay. Maraykanku wuxu ku soo hanjabayaa in uu kordhinayo gantaalladii uu la dhacay saldhiga Milatari ee Suuriya kaas oo ay ku naf waayeen 6 qof kadib markii uu Maraykanku ku riday 60 gantaal.

Ruushku wuxu ku hanjabay in cawaaqibka arrintaas ka dhasha meel fog laga raadin doono isagoo sheegay in weerarrada Maraykanku ay dab ku sii hurinayaan colaadda Suuriya.

Labadan quwadood ee adduunka ugu dhaw ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyey loo malaynayey in ay isku soo dhawaadeen iyadoo Trump iyo Putin ay dhawr jeer ereyo wacan is weydaarsadeen.

Is-af-garanwaagan cusubi wuxu ka dhashay markii sida lagu eedeeyey ay xukuumadda Suuriya isticmaashay hubka kiimikada ah ee wax gummaadda kaas oo ay ku naf waayeen tiro ka badan lixdan qof oo carruur iyo dumar ay ku jiraan.

Golaha Ammaanka ayaa la filayaa in uu dhakhso u fadhiisto oo uu war ka soo saara arrintan ka hor inta aanay colaaddu u gudbin meelo ka baxsan Suuriya.

Dagaalka Suuriya ayaa socday 6dii sanno ee ugu dambeeyey, walina laguma kala adkaan.

Bandhige@gmail.com