Maraykanku wuxu xalay khaarajiyey sarkaal sare oo ka tirsan Al-Qaaciidada Waqooyiga Afrika

Ugu dambayntii waa la khaarajiyey Mukhtaar Bilmukhtaar oo ahaa sarkaalkii amray weerarkii lagu hoobtay ee laba sanno ka hor lagu qaaday ceelashii shidaalka ee Aljeeriya halkaas oo lagu afduubay 800 qof laguna dilay 40 qof oo ajaanib ah, lix ka mid ahi Ingiriis yihiin saddexna Maraykan.

Sidaas waxa sheegay xukuumadda Liibiya in kastoo Col Waren oo ku hadlay magaca guriga looga arrimiyo difaaca Maraykanka ee loo yaqaan “Pentagon” uu sheegay in ay xaaladda weli qiimaynayaan laakiin lagu guuleystay duqayntaas.

Mukhtaar waxa xalay lagu dilay duqeyn diyaaradaha Maraykanku la beegsadeen isagoo jooga Liibiya.

Pentagon-ku wuxu sheegay in weerarkan lagu guuleystay wixii tafaasiil ahna la sii dayn doono saacadaha foodda innagu soo haya.

Dhawr jeer oo hore ayaa la isla dhex maray in la dilay BilMukhtaar hase ahaatee way beenowday.

Mukhtaar Bilmukhtaar wuxu muddo dheer lahaa il kaliya isagoo ishiisii kale ku waayey dagaal uu la galay dawladda Aljeeriya sannadihii 1990-maadkii. Muddooyinkii u dambeeyeyna wuxu ka mid ahaa liiska argagixisada caalamka kuwooda loogu baadi-goob badan yahay.

Maraykanka ayaa marar badan wuxu sheegay in aanu ka hadhaynin kuwa dambiyada ka gala dalkiisa iyo dadkiisa muddada ay doonto ha qaatado’e.

bandhige@gmail.com