Mareeyaha Wakaalada Biyaha ee Degmada Berbera waxa uu Soo Dhaweeyey Madaxda Baanka Horumarinta Afrika

Mareeyaha Guud Wakaalada Saleeban Cabdi Looliye Ayaa soo dhaweeyey wafti balaadhan oo kasocota baanka horumarinta Africa waxayna waftigan soo kormeeraan mashruuca biyo balaadhinta Berbera iyo qaar kamid haayadaha laamaha Dawlada , goobaha ay soo kormeeran wxaaa kamid ah Ceelasha Kalajab , goobta ay ka bilaabto biyo balaadhinta xaafada Bari ee magaalo xeebeda Berbera Wakaalada biyaha iyo Dekeda Berbera.

Wafti waxaa halkaasi warbixin dheer ka siiyey mareeyaha guud ee wakaalada biyaha Berbera Saleeban Cabdi Looliye wuxuuna tilmaamay inay si fiican usocdaan mashaariicda biyo balaadhinta Berbera waxaa kale oo xusay inay magaaladu wakhtigan haysto biyo kulan balse at ubaahan tahay in la kordhiyo maadama ay magaaladu fidayso una baahan tahay biyo ku filan waxaa uu xusay mareeyaha wakaalada biyaha Berbera inay jiraan baahiyo gaar ah oo ku gadaaman Xaafada bari ee Berbera oo la doonayo in guud ahaanba la keeno biyo wada gaadha oo ku filnaada bulshada xaafadaasi.

Gababadii waxaa isaguna halkaasi warbixin ka siiyey gudoomiyaha Gobolka saaxi Axmed Cismaan xasan.

 

Image may contain: 3 people, people standing and outdoorImage may contain: one or more people, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standingImage may contain: 3 people, people sitting and indoor