Mareykanku wuxu joojinaya 300 oo milyan oo Doollar oo uu siiyo Pakistan

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay joojinayaan $300 oo milyan oo doolar oo ay siin jireen dalka Pakistan maadaama Islamabad ay ku guuldarreysatay iney wax horumar ah ka sameeyso la daggaallanka kooxaha argagixisada ee la dagaallama.

Madaxweyne Trump ayaa mar sii horreysay wuxuu Pakistan ku eedeeyey iney Mareykanka Khiyaantay iyada oo balayiin doolar uu siiyo.

Afhayeenka Pentagon Gaashaanle dhexe Kone Faulkner ayaa wuxuu sheegay iney ciidamada Mareykanku doonayaan lacagaha ay Pakitan siiyaan iney ku bixiyaan meela kale oo “muhiimad degdeg ah leh.”

Go’aanka Mareykanka uu ka gaadhay dhaqaalaha uu ku taageeri jiray Pakistan inuu joojiyo waxaa la horgeyni doonaa Aqalka sare ee Mareykanka, iyada oo bishi January la iclamiyey qayb ka mid ah tallaabbada uu Mareykanka ka qaadi doono Pakistan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa waddanka ay xulafada dhow yihiin ee Pakistan ku eedeysay iney ku guul darreysatay la dagaallanka ururrrada argagixisada ee ka dhaqdhaqaaqa dalkaasi ururradaasi oo ay ka mid yihiin kooxda Xaqqaani iyo Taalibaan.

Hadalka Mareykanka ka soo yeedhay ayaa wuxuu ku soo beegmay maalin un ka hor xilli uu wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo uu booqasha ku tagayo Pakistan.

Wuxuuna bishi January Mareykanku shaaciyey inuu gabi ahaanba uu joojinayo taageerada dhinaca militariga ee uu siiyo Pakistan.

Waa kuwee ururrada lagu eedeeyo iney taageerto Pakistan?

Kooxda Haqqani ee dagaallanta waxay inta badan howl galladooda ka fuliyaan gudaha dalka Afqaanistan ee Pakistan dariska la ah, iyada oo ay marar badan dowladda Afqanistaan ay uga cabatay Islaamabad iney dalkeeda ka saarto kooxdaasi Haqqani ee howlgalladooda gudaha Pakistan ka soo maleega.

Waxaana kooxda Haqqani lala xidhiidhiyaa iney gacan sar la leeyihiin ururka Taliban ee ka dhqdhaqaaqa gudaha Afganistan oo aragtida islaamiga ah huwan weerarradana la beegsadao dowladda Afqaanistaan.

Ururka Talliban garabkiisa Pakistan ee ka dhaqdhaqaaqa gudaha dalkaasi waxay iyaguna howlgalladooda ka fuliyaan gudaha Pakistan oo keli ah.

Kooxda Xaqqaani iyo Ururka Taalibaan waxay weerarra badan ka fuliyeen gudaha Afqaanistaan iyaga oo dilay ciidama Mareykanaka ee halkaa ku sugan, waxayna saraakiisha Mareykanka ay hoosta ka xarriiiqeen iney sirdoonka Pakistan ay gabbaad u noqdaan kooxahasi.

Xigasho: BBC Somali