Marinka Qasa oo saaka duqeyn ku waabariistay

Saaka diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil waxay duqeyn xoogan ku qaadaan Marinka Qasa, taasi oo ay sheegeen in ay jawaab u tahay gantaal lagaga soo tuuray dhinaca Marinka.

Duqeynta ayaa waxay Israa’iil ku bartilmaamsanayee xarumo ay xamaas leedahay oo ku yaal Qasa.

Ilaa wali ma jirto cid sheegatay masuuliyada gantaal lagu tuuray Israa’iil, gantaalkaas oo ay Israa’iil hawada kaga hortagtay.

Dhanka kale ururka Xamaas ayaa sheegay in ay ka baxeen xarumahooda iyagoo ka cabsi qabay weeraro ugu yimaada dhinaca Israa’iil ka dib markii gantaalka la riday.

Duqeynta ayaa waxay isku soo beegmeen maanta oo la filayo in calanka Falastiin laga hor qotomiyo barxadda hore ee xafiiska Qaramada Midoobay ka dib markii xubnaha Golaha loo-dhan yahay ee Qaramada Midoobay u codeeyaan in calanka Falastiin la garab sudho calamada dawladaha la aqoonsan yahay.

Dawlada Falastiin ayaa talaabadan ku tilmaamta mid horumar weyn oo uu gaadhay halgankooda ay ku doonayeen in mar uu calankooda laga taago Qaramada Midoobay.

bandhige@gmail.com