Marwada koowaad ee qaranka oo deeq xoolo ah gaadhsiisay xarunta agoomaha Gabiley

Marwada koowaad Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-weris), waxay maanta deeq isugu jirta xoolo nool, raashin, sharaab, buskud iyo agab kale duwan gaadhsiisay xarunta agoomaha Gabiley.

5tii sanno ugu danbaysay waxay Aamina-weris maalmaha u danbeeya la qaybsan jirtay farxada ciida carruurta agoomaha eek u jira xarumaha agoomaha.

Waxa halkaasi markii weftiga marwadu soo gaadheen Gabiley ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”, gudoomiye-xigeenka gobolka, Maayir-xigeenka ahna ku simaha maayarka, salaadiin iyo masuuliyiin kale.

Waxa ka hadashay wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan oo ku dheeraatay xaalada caruurta agoonta ah iyo sida alle qur’aankiisa inoogu sheegay qofka barbar istaaga ama wax tara agoonta qiimaha uu leeyahay iyo ajarka uu helaayo, waxaanay baaq u dirtay cid kasta oo awooda inay caawiyaan kana war hayaan agoomaha dalka meelkast oo ay joogaan.

Gebo gebadii waxa ka hadlay xafladan deeqda lagu gaadhsiiyey xarunta agoomaha Gabiley  Aamina Sheekh Maxamed Jirde waxaanay tidhi:

“ Sharaf weyn ayey ii tahay inaan maanta halkan imaado inaan guud ahaan Gobolka Gabiley imaado had iyo jeer waan ku farxaa waa Gobolkaygii, waa Gobol muhiima oo sidii hore loo sheegay Jamhuuriyada Somaliland baal dahaba kaga jira waa gobol dawladani ay si khaasa u tix geliso oo ay u ixtiraamto abaal badan ugu hayso, hawshan halkan  ay Safiya iyo kooxdan la shaqaysaa(shaqaalah xarunta agoomaha)  waanu u mahad celinaynaa, si fiican bay u hayaan Carruurtan yar yar ee waalidkood illaahay ka qaaday, masuuliyadu keligood ma saarna ee kuligeen bay ina wada saaran tahay agoomaheena iyo danyarteena kuwii garta inaan wixii aan u tari karno u tara ilaahay haynaga dhigo, Safiya iyo kooxda la shaqaysa ilaa badhasaabka ilaa dawlada hoose maayirka, maayir-xigeenka, ciidamada amniga ee la shaqeeya had iyo jeerna garab taagana waan u mahad celinaynaa, illaahay haydinka jasaa’i siiyo hawshaas aad haysaan oo miisaanka xasanaadka haydin ku daro baanu leenahay.”

Marwo Aamina waris oo hadalkeeda sii wadata ayaa tidhi markale

“Dalkeena, isku duubnidaynu wax ku nahay, danyarteena u naxariistoodaynu ku mid nahay, anigu Hargeysa markaanu imika joogno waa laga yaabaa Gobolada shishe inaanan gaadh-gaadhin oo sidaa cagtu aanay  ugu badnayn laakiin qalbigaygu marnaba kama maqna  hay’ado badan oo samafala dawlaha hoose ee halkaa jooga wixii ay gaadhsiin karaan agoomuhu meelay joogaanba way gaadhsiiyaan laakiin kolayba annagu intii aanu gaadhi karno intii aanu wax u tari karno sidii aanu wax ugu heli karnaba waa waajib na saaran oo aan cidi naga baryeyn, illaahay hanoo fududeeyo dalkeenana illaahay haynoo barakeeyo, nabad-gelyadeenana illaahay haynoo adkeeyo, aad iyo aad baad u mahadsan tihiin intiina halkan maanta isugu wada timi ee nagala soo qeyb gashay farxada iyo salaanta aanu ugu nimi maalintan barakaysan 27-kii bishii.”

Gebo gebadii waxay Aamina-weris u soo jeedisay dhamman bulshada, maamulada gobolada, masuuliyiinta dawladda, ganacsatada iyo bulshada inay garab istaagaan agoomaha iyo danyar ku nool waddanka.

bandhige@gmail.com