Marwada Koowaad oo deeq dawooyin iyo raashin isugu jira gaadhsiiyey cisbitaalka dhimirka Berbera

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Marwada Koowaad ee qaranku ay maanta booqatay cisbitaalka Dhimirka ee Berbera. War-saxaafadeedka oo dhammaystiran wuxu u dhigan yahay sidan:

Marwada Koowaad ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde Oo ku guda jirta socdaal ay ugu soo kicitintay Gobolada Togdheer iyo Saaxil islamarkaaa ku sugan Magaalo Xeebeeda marsada Berbera ayaa saaka booqasho ku tagtay Cusbitaalka guud ee Berbera, qaar kamida Xanoonooyinka (MCH) Berbera iyo Dhakhtarka Dhimirka dhamaan waxay goobahaasi gaadhsiisay deeqo kala duwan oo isugu jira Daawooyin, iyo Xoolo nool, sidoo kale waxaa halkaasi warbixino kala duwan ku siiyey masuuliyiinta caafimaadka Gobolka iyo Dhakhaatiirka gacanta ku haysa goobahaasi.

Marwada Qaranku waxay ka qeyb gashay munaasibad balaadhan oo ay soo qaban qaabiyeen masuuliyiinta Hay’adda Wadanigaa ee YOVENCO oo xaruntoodu tahay Magaalada Berbera laguna xusaayey maalinta Xuquuqul aadanaha aduunka, Madasha waxaa goob joog ka ahaa Maamulka Gobolka Saaxil, Maareeyaha Dekeda Berbera, Gudoomiyaha Degmada Berbera.

Marwo Aamina Waris waxay munaasibadaasi ka jeediyey khudbad ay kaga hadlayso Xuska Xuquuqul insaanka, iyadoo ku dar daartay cid kasta oo muwaadin ah in ay xaq u leedahay in xuquuqdooda la dhawro sidoo kale iyaguna ay dhawraan xaq iyo xuquuqda dadka, taasina ay keenayso. Marwadu waxay sheegtay inay heerka waxbarashada labaad ee loo yaqaan (Masterate) ku diyaarisay barasahda xuquuqda aadamaha sidoo kalena ay ka shaqaynaysay muddo Labaatan Sannadood ah, halka ay sidoo kalena ka shaqaynaysay muddo Shan sannadood ah Mihnada Saxaafada iyadoo in badan oo ka mida Suxufiyiinta siin jirtay tababaro islamarkaana ahayd macalimad, waxaa ay hoosta ka xariiqday inaanay marnaba ku diirsanayn qalbigeeduna ogolaanayn in qof muwaadin ah lagu tunto xuquuqdiisa laguna tacadiyo maadaama ay tahay qof garanaya xuquuqda aadamaha, qofkasta oo masuul ahna ay saaran tahay.

Dhanka kale waxay marwadu nasiib xumo ku tilmaan tahay in xuquuqda dadka lagu tunto isla mar ahaantaana dar daaran u dirtay Saxaafada Somaliland kuna boorisay inay dhaliilaha iyo shakhsi weerarka aanu fiicnayn iskana daayaan, sidoo kalena ay ka waantoobaan Wararka aanay cadaymaha u hayn iyadoo dhankeeda xustay inaanay raali ka ahayn xidhitaanka saxaafada balse ay tahay inay saxaafadu doorkeeda ilaaliso.

Guntii iyo gaba gabadii khudbadan Marwada oo taabanaysay meelo dhawra ayaa kusoo biyo shubanaysay dardaaran iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha, taasi oo micnaheedu yahay in Muwadin kastaaba uu dhawro xaqa iyo xuquuqda uu ku leeyahay dalkiisa, dadkiisa isaguna uu heli doono xuquuqdiisa marka uu dhawro kuwa dadka kale.