Marwada Koowaad oo ku boorisay haweenka Ceel-afweyn inay ka qayb qaataan dhismaha waddada Ceerigaabo, deeq dhar ah gaadhsiisay

Marwada koobaad ee Qaranka Aamina Maxamuud Jirde (Aamina-weris) oo ay weheliso Wasiirka Wasaarada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan ayaa waxay deeq dhar ah gaadhsiiyeen haweenka ku dhaqan degmada Ceel Afweyn.

Deeqdan oo isugu jirtay dhar iyo koofiyado oo uu ku xardhan yahay Calanka jamuuriyada Somaliland, ayaa waxay marwadu si balaadhan u xog waraysatay haweenka degmadaasi.

Qaybinta deeqdan dharka ah ayaa u jeediisu ahayd dhiiri galinta sidii ay kaalintooda ay uga muuqan lahaayeen dhismaha wadada Ceerigaabo oo wax-qabad badan laga gaystay, iyo derder galinta hawlaha degmada Ceel Afweyn.

Sidoo kale waxay marwadu ku sifaysay haweenka ku dhaqan degmada Ceel-afweyn inay yihiin haween aad u firfircoon muhiimna ay tahay inay sii xoojiyaan kaalinta ay kaga jiraan dhismaha wadda Ceerigaabo, iyo dhamaan hawlaha deegaankooda.

Dhinaca kale waxa iyaguna hadalo mahadnaq iyo duco isugu jiray ka soo jeediyey goobtaasi qaar ka mid ah haweenka la wareegaayay deeqdan dharka ah, waxaanay marwada ku amaaneen sida wanaagsan ee mar kasta xilka iskaga saarto una caawiso caruurta iyo haweenka ku dhaqan Somaliland.

bandhige@gmail.com