Marwada koowaad oo la kulantay Ha’yada UNFPA

????????????????????????????????????

Marwada Koowaad Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo ah safiirka Ololaha Yarayta Umul Raaca hooyada iyo dhallaanka ee Afrika CARMMA ayaa waxay maanta la kulantay weftiga ka socda Ha’yada UNFPA oo ay hoggoominayso  oo ku-xigeenka wakiil UNFPA ee Soomaaliya iyo Somaliland Grace.

Kulanka ayaa ujeedadiisu ahaa xog kala qaadasho ku saabsan  Ololaha Yareynta Umul raaca ee loo soo gaabiyo CARMMA iyo doorka Wakiil-sharafeedku kagashay sannadkii ina dhaafay.

Waxaa dhinacyada shirayey ay ku qanceen waxqabadka iyo sida loo fuliyey ololaha iyagoo markaas aad uga mahadnaqay marwda kaalinta  muhiimka ah ee ay ka qaadatay Ololahan.

Dhanka kale UNFPA ayaa waxay balan qaadeen in ay ololaha halkaa kasii anbaqaadayaan oo welibana ka codsaday Wakiilka in Ololaha la sii balaadhiyo dhowr mawduuc oo kalena lagu soo kordhiyo kuwaas oo ay ka mid yihiin Gudniinka Hablaha iyo in la helo adeeg caafimaad oo tayo leh.

Shirkan ayaa ahaa mid lagu gaadhay go’aano guul u noqonaaya hooyada iyo  caruurta Somaliland.

Dhinaca kale Hayada UNFPA waaxdeda horumurinta dadweynaha waxay ku heelantahay sidii ay u taageeri lahayd dawaladda sidii loo helo xog dhab ah oo laga soo qaado goobaaha hooyooyinka iyo dhallaanka ee xarumaha caafimaad.

Sidii loo heli lahaa daboorgoynta dhimashada hoyada iyo dhalaanka markey umulayaan loona yareeyo umul raaca hooyadda iyo dhallaanka. Waxaanu had iyo jeer ku talo jirnaa in la helo xog cilmiyeysan sidoo loo ogaan lahaa meelaha ay ku beden yihiin iyo sidii loogo dejin lahaa qorshayaal dhab ah oo ka turjumaya baahiyaha caafimad ee goobaha kala duwan ee dalka.

Somalidu waxay ku maahmaahdaa “xog la helyaaba talo la hel” sidaa darted xogtu waxay naga caawineysaa sidii loo soo saari lahaa mashaaric horumarineed oo ku saleysan xog dhab ah iyo sidii loo geyn lahaa gargaar ama taakuleyn goobaha baahidu ka jirto.

Halkan Hoose ka daawo warka kulanka:

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

bandhige@gmail.com