Marwada koowaad oo si diirran loogu soo dhaweeyey Boorama, waxay qalab caafimaad ku wareejisay cisbitaalka guud

Marwada koowaad ee qaranka Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirde ayaa maanta u kicintay gobolka Awdal, xaruntiisa Boorama. Socdaalkeeda ayaa la xidhiidha dedaallo ay baryihii ugu dambeeyey wadday oo la xidhiidha ka-hor-tagga ama yaraynta hooyooyinka ummul-raaca.

Sida lagu dhigay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada, Marwo Aamina-Weris waxay qalab caafimaad ku wareejisay cisbitaalka guud ee Boorama waxayna kormeer ku samaysay xarumaha hooyinka iyo dhallaanka ee Boorama.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada oo dhammaystiran.

Soo-dhawayntii Aamina-Weris

Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde ayaa Gobolkii Saddexaad gaadhsiisay Deeq Caafimaad, Dhagax-dhig, Kormeer guud iyo Xadhig ka jaridna ka fulisay Gudaha Magaalada Boorama .

Hargeysa (Xafiiska Afhayeenka) Marwada qaranka Marwo Aamina Waris iyo wafti ay hogaaminayso oo gaadhay magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama ayaa waxaa si diiran gobolka ugu soo dhaweeyey maamulka gobolka, ururka haweenka ee Now, xildhibaano, Salaadiin iyo qaar ka mida waxgaradka gobolka Awdal .

Ujeedada socdaalka ee marwada iyo waftiga ay hogaaminayso ayaa ahaa sidii looga hortagi lahaa loona yarayn lahaa ummul-raaca ku dhaca hooyada uurka leh marka ay ummusho iyo kobcinta dhalaanka yar yar inta aanay gaadhin wakhtiga ay ku dhalan lahayeen.

Marwada oo Kormeer ku soo martay xanaanooyinka ama MCH-yada qaarkood iyadoo halkaana dardaaran ka siisay dhakhaatiirtii ama ummulisooyinkii ku sugnaa goobaha caafimaad ee ay booqatay marwadu, waxaanay ku dhiiri gelisay sidii loo dhimi lahaa ummul-raaca waxa loo yaqaano, waxaanay ku dardaartay in la xoojiyo tayada aqooneed ee kalkaaliyaasha caafimaad si loo helo dad dhisan oo u dhabar adayga shaqada culayskeeda.

sidoo kale marwada madaxwaynuhu waxay cusbitaalka wayn ee Boorama ku wareejiysay Agab isugu jira daawooyin iyo qalabka Oxgyenta ee caruurta yar yar, iyagoo ay iska kaashanayeen hay’adda UNFPA iyo CARMMA oo ay marwadu ka tahay wakiilka loo igmaday Somaliland inay haween weynaha ku baraarujiso kuna dhiirigeliso sidii loo yarayn lahaa ama loo joojin lahaa ummul raaca hooyada.

Aamina-Weris2
waxaa halkaa ka hadlay badhasaabka Gobolka Awdal Mudane Ramaax oo marwada uga mahadnaqay deeqda ay soo gaadhsiisay hooyooyinka iyo dhalaanka.
Sidoo kale waxa isna hadal ka jeediyey halkaa isu-duwaha wasaaradda caafimaadka, Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Mudane Xasan Daahir Dhinbiil oo isna sheegay in ay la garab taagan yihiin hooyada iyo dhalaanka badbaadada loo xoojin lahaa.

Waxaanay marwadu soo kormeertay cusbitaalka guud ee Boorama iyadoo marwadu bukaanka mid mid isu dil taagtay kana waraysatay Xaaladooda Caafimaad una ducaysay inuu alle ka dulqaado xanuunka uguna bedelo caafimaad sareecana.

Geesta kale marwada ayaa dhagax dhigtay wadada tagta garoonka kubada cagta ee Magaalada Boorama, iyada oo sidoo kale xadhiga ka jartay wadada isku xidha magaalada ilaa Airport ka oo ay iska kaashadeen dawladda hoose ee Boorama iyo Maamulka gobolku.

Marwada oo ugu danbayn halkaa hadal ka jeedisay ayaa tidhi “Waxaan salaamayaa wasiir-ku-xigeenka cafimaadka, gudoomiyaha gobolka maayarka degmada Boorama, isu-duwaha caafimaadka gobolka agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka, shaqaalaha caafimaadka ee halkan ka shaqaynaya, saxaafada salaadiinta iyo haweenka Ururka Now Hay’adda UNFPA oo runtii ah hay”ad aad noola shaqaysa oo uu Cadnaan nagala joogo hay’addaasi waa hay’adda aniga iga kaalmaysa in aan fidiyo Erayada ku saabsan ummul raaca iyo caruurteena yaryar ilaa ay 5 jir gaadhayaan sidii aynu uga ilaalin lahayn Caafimaadkooda illaahay ayaa wax ilaaliyee, balse in aynu intii itaalkeena ah aynu ka ilaalin lahayn hooyada uurka leh iyo markay ummulaysaba in ay caafimaad ku umusho ubadkuna ku barbaaraan, aad iyo aad ayaan ugu mahadqayaa intaas oo dad ah een sheegay waxaan khaasatan u mahadnaqayaa oo aan ku faanayaa oo aan ku farxay MCH kii aanu soo marnay iyo cusbitaalka wayn shaqaalaha ka shaqaynaya oo runtii ah shaqaale fiican nadaafadooda, ummuli-sooyinku siday u qurux badan yihiin dumarka la dawaynayaa siday iyana ay u qurux bad yihiin siday u caafimaad qabaan hambalyo ayaan idin leeyahay.

Aalaabtan aanu iska kaashanay UNFPA waa alaab aan sidaa u weynayn laakiin qalbigayga iyo laabta ayay ka timid ha yaraato laakiin tayadeeda ayaa fiican oo waa ogsajiintii caruurta haddii ay u baahdaan waa daawooyinkii la siin lah, waa hooyada wixii lagu badbaadin lahaa waa alaab qiimo leh UNFPA iyo Wasaaradda Caafimaadka aad iyo aad ayay noola shaqayaan”

ALLAA MAHAD LEH