Marwada Koowaad oo taariikh-nololeedkeeda iyo halgankii ay saygeeda la soo wadaagtay uga warrantay Nimco Samriye

Marwada koowaad ee qaranka ayaa waraysi dhif ah siisay weriyaha Horn Cable TV Nimco Samriye. Sida muuqata waxa waraysiga la qaaday ka hor intii aanay Marwadu Madaxweynaha ula socdaalin Berbera Sabtidii.

Waraysigu wuxu ka dhacay guriga Marwada, wuxuna ku bilaabmay soo dhawayn aad u diirran oo marwadu albaabka kaga hortagay weriyaha.

Waraysigan oo HCTV laga sii daayey Sabtidii, waxay marwadu si xiiso leh ugaga sheekaysay taariikh-nololeedkeeda, wakhtigii ay is-guursadeen iyada iyo Madaxweyne Siilaanyo, wada-shaqayntii iyo caqabadihii dhex maray Siilaanyo markii uu Wasiirka ahaa iyo Siyaad Barre iyo sidoo kale halgankii dheeraa ee odaygeedu u soo maray xorayntii dalka iyo weliba kii ka dambeeyey ee uu u soo maray sidii uu kursigan uu hadda ku fadhiyo u gaadhi lahaa.

Marwo Aamina-Weris oo waraysiga u bixinaysay qaab aad u dabacsan oo kalsooni badani ka muuqato ayaa Nimco Samriye u sheegtay in maalin ka mid ah kuwii ay ugu naxdinta badnayd ay ahayd markii Itoobiya iyo Soomaaliya heshiiska kala saxeexdeen.

“Maalmihii iigu naxdinta badnaa waxa ka mid ahayd markii Siyaad Barre iyo Mingiste Xayle Mariam ay heshiiska kala saxeexdeen April 1988, maalmo kale oo farxad lihina waxay ahaayeen markii ay isla sannadkaas SNM soo gashay Burco iyo Hargeysa” ayay tidhi Marwadu.

Sidoo kale Marwo Aamina-Weris waxay sheegtay maalmo kale oo iyaguna farxad iyo naxdin lahaa intii ay qoys ahaan ku jireen siyaasadda Somaliland.

“Waxa naxdin iyo cadhoba lahayd maalintii saygayga lagu yidhi 80 cod oo madmadow ku jiro ayaa doorashadii lagaaga helay, maalintii dambe ee uu isagu doorashada ku guulaystayna maalin kale oo farxad leh ayay ahayd”

Marwada koowaad oo la waydiiyey waxa ay ku kala duwan yihiin mucaaridnimada iyo muxaafidnimada waxay tidhi:

“Mucaaridnimada ayaa ka fudud muxaafidnimada. Waayo marka aad muxaafid tahay dal dhan baad u talinaysaa laakiin marka aad mucaarid tahay shaqo ma haysid aan ahayn in aad mucaarid ahaato”

Hoos ka daawo waraysiga Marwada oo waraysigeedu soconayo ku dhawaad ku dhawaad 57 daqiiqo.

bandhige@gmail.com