Marwada Madaxweynaha Aamina Sheekh Maxamed Jirde waxay deeqo kala duwan gaadhsiisay Cusbitalka Guud ee Hargeysa iyo Dhakhtarka Caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh.

Marwada koowaad ee Madaxweynaha Aamin Sheekh Maxamed Jirde ayaa maanta waxay kormeer ku soo martay Cusbitalka guud ee Hargeysa gaar ahaan qaybta hooyada iyo dhalaanka, waxaanay marwadu dul istaagtay sida ay u kala culus yihiin bukaanku, iyada oo mudnaanta koowaad siisay ilma yar oo madaxa biyo kaga furan yihiin.

Intii ay marwadu kugu jirtay kormeedkeeda waxay warbixino kala duwan ka dhegeysatay agaasimaha cusbitalka iyo dhakhtarada u gaarka ah ilmaha yar oo la socota xaaladiisa sheegtayna in hada xaaladiisu ka soo raynayso, balse uu u baahan yahay laba qaliin oo degdeg ah in kasta oo aanu ilmahan yari qaadi Karin laba qaliin halmar iyada oo la helo dhakhtar dibadeed mooye.

Aamina Weris  ayaa deeq lacag ah gudoonsiisay hooyada ilmahan yar dhashay una ducaysay in alle shaafiyo ilmahan yare ee sabiga ah, ka dibna waxa ay soo kormeertay guud ahaan bukaankii ku sugnaa waadhadhka, iyada oo qof qof ugu ducaysay allena uga bariday inuu ka dulqaado xanuunka oo uu ugu bedelo caafimaad sareecana.

Aamina-weris waxay kale oo ay soo kormeertay xarunta carruurta aan ku dhalan xaalad caafimaad, xaruntan oo loogu talo galay  lagu badbaadiyo carruurta yare ee aan caadiga kusoo dhalan madaama qofka weyn iyo ka soo dhashayba ay isku naf uun yihiin. Qaybtan oo shaqaynaysay muddo 3 sanno ah.

Ugu danbayna marwadu waxa ay maamulka cusbitalka ku wareejisay xoolo nool oo ay ugu talo gashay in maalinta ciida hadii alle qadaro loo qalo bukaanka.

Sidoo kale waxay marwadu kormeer iyo deeq xoolo ah gaadhsiisay Cusbitalka Caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh iyada oo marwadu soo kormeertay Caruurta ku sugan cusbitalka ee xanuunada u jiifa waadhadhka waxaana marwada war bixin ka siiyey dhakhaatiirta caruurta ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh oo isugu jira ajaanib iyo muwaadiniin, waxaanay marwadu carruurta mid mid u soo martay uguna ducaysay in alle shaafiyo kana dulqaado xanuunada.

bandhige@gmail.com