Masar oo dalxiisayaal lagu laayey

12 qof oo dalxiisayaal u dhashay Mexico ayey milatariga Masar si khalad ah u dileen ka dib markii hawgal ka dhan ah xagjiriinta oo ay fuliyeen galbeed Masar milatariga iyo boolisku, sidaasna waxa sheegtay Wasaarada Arrimaha Gudaha.

War-qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in dalxiisayaashu ay joogeen deegaanada ka caagan in la tago.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxa ay sheegtay in dalxiisayaashani ay ku safrayeen kolonyo baabuur ah.

Ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban boolis iyo milateri ayaa xilligaasi waxa ay goobta uu shilka ka dhacay ku baacsanayeen kooxo mintidiin ah.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ciidamadu ay si kama ah u bartilmaameedsadeen dalxiisayaashani oo ku sugnaa aag ka caaggan in la galo, waxaana la billaabay baadhitaan ku aadan arrintaasi.

Lamadegaanka ku yaalla galbeedka dalkaasi ayaa caan ku ah dalxiisayaasha balse sidoo kale waa meel aad u soo jiidata kooxaha xagjiriinta ah.

Dhinaca kale kooxda Islaamiga ah ee dalka Masar ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen hawlgal milateri oo ka dhacay dhulka saxaraha ahi ee dalxiisayaasha lagu dilay.

Kooxaha kacdoonka ka wada Masar inta badan weeraro ku beegsada booliska iyo milatariga eek u sugan Gacan Siinay.

Bishii Julay ee kal hore ayaa 21 askari lagu dilay halkaas ka dib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen goob ciidamadu u tiilay jid-gooyo.

bandhige@gmail.com