Masar oo ku dhawaaqday wakhtiga doorashooyinka baarlamaanka

Guddiga Doorashooyinka Masar ayaa ku dhawaaqay in doorashada Baarlamaanka la qaban doono bilaha tobnaad iyo kow iyo tobnaad ee sannadkan.

Codeynta koowaad ayaa waxay dhacaysaa bisha Oktoobar 18-keeda ilaa 19-keeda oo lagu soo dooran doono qaybta hore ee baarlamaanka, halka codaynta labaadna dhici doonto Noofambar 22-keeda ilaa 23-keeda.

Wajiga koowaad ee codeynta ayaa qorshaysneyd in ay dhacdo bishii Maarj ee sannadkan, laakiinse Maxkamadda ayaa ku tilmaamtay sharci doorashooyinka mid dastuurka ka hor imanaya, ka dib dib u dhigtay.

Masar ayaan baarlamaan lahay tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii Maxamed Mursi sannadkii 2012-kii, markaas oo ay maxkamadduna kala dirtay baarlamaankaas oo u badnaa Xisbiga laga mamnuucay Masar ee Ikhwaanal Musliimka.

Madaxweyne Cabdifataax Siisi oo la doortay bishii May ee sannadkii hore ayaa haystay awooda sharci dejinta ee Masar maadaama aanay jirin baarlamaan.

In muddo ah oo talada hayey waxa ansixiyey xeerar badan oo uu isticmaalayey awood Madaxweyne.

Doorashadan baarlamaanku waad codayntii ugu horeysay ee muddo saddex sanno ah ka dhacda Masar.

 

bandhige@gmail.com