Masar oo xabsi dhigtay ku dhawaad 65 tahriibayaal Soomaali ah

Dad ay tiradoodu ku dhawdahay ilaa 65 qof oo Soomaali ah oo ka tahriibayay Masar si ay u galaan xeebaha dalka Talyaaniga ayaa ay ciidamada amaanka Masar Xabsiga u taxaaabeen.

Dadkan Soomaalida ah oo doonaayey in ay si sharci daro ah uga amba baxaan Masar, ayaa ay ciidamada amaanka ee dalka Masar ay gacanta ku dhigeen, waxaana lagu soo waramayaa in ay xidhan yihiin ku dhawaad ilaa 65 qof oo Soomaali ahi, dadkaasi oo laga soo qabtay dhammaantood magaalada Alexandria ee dalka Masar.

Sidoo kale dawlada masar ayaa shaaca ka qaaday in ay dadkan dalkooda sifo sharci daro ah ku soo galeen dalkood soo taagi doonaan Maxkamad,

Tahriibayaashan ayaa ka soo galey Masar dhinaca Suudaan, waxaanay haatan Soomaalidii tirada badnayd ee u tahriibi jirtay dalalka Yurubta ay waayadan dambe isku dayaan in ka tahriiibaan isla markaana ay doonyo ka raacaan dhinaca xeebaha Masar, sidaasna ay ku galaan xeebaha dalka Talyaaniga.

Dawlada Masar ayaa haatan gacanta ku haysa olole ay kula dagaalamayso dadka Soomaalida ah ee doonaya in ay dalkooda sida sharci darada ah uga dhoofaan, iyadoo ay dawlada masar ay ka mid tahay dalalka dagaalka adag kula jira sida ay u xakamayn lahaayeen dhibaatooyinka tahriibta.

Sannad kasta waxaa badaha khatarta badan leh ee u dhexeeya dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ku geeriyooda dad ay tiradoodu gaadhayso ilaa kumanaan ruux oo rag iyo dumarba leh, kuwaasi oo isugu jira qaar ay la daagaan doonyuhu iyo qaar ku nafwaaya socodka dheer ay ku maraaan saxaraha u dhexeeya dalka Suudaan iyo Liibiya.

bandhige@gmail.com