Mashrruca biyo balaadhinta Hargeysa oo laga bilaabay Biyo-shiinaha

Mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo dadweynuhu muddooyinkii u danbeeyey u dhag taagayeen maqalka mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo mar uun wax ka maqlaan mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa ayaa waxa shalay la xidhista iyo dhigista dhuumaha biyaha soo qaadi doona.

Mashruucan oo markii hore ay lacagtiisii bixisa Midowga Yurub, ayaa markii danbe ku soo biiray maalgelinta Sanduuqa Horumarinta Somaliland.

Mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa ayaa ah mid lagu bedelayo dhuumaha biyaha keena Hargeysa isla markaana keeni doona biyo ka badan kuwii hore intay keeni jireen.

Mashruucan ayaan biyo la’aanta Hargeysa wax ka tari doona, laakiinse aan wada gaadhi doonin Hargeysa sida ay sheekeen Wakaalada Biyaha iyo Ha’yadda fulinaysa mashruuca.

Mashruucan ayaa laga soo bilaabay Tuulada Biyo Shiina isaga oo loo soo waddo dhinaca caasimada Hargeysa.

Warka bilaabis dhuumo dhigida mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa ayaa imanaya wakhti ay Hargeysa soo food saartay biyo la’aantii abid ugu balaadhnayd. Hase ahaatee waxa uu warkini noqon doonaa mid ay dhaga shacabku in badan naawilayeen inay maqlaan, inkastoo dad badan rumaysan doonaa warkan marka biyuhu soo gaadheen biyuhu gurigiisa.

 

bandhige@gmail.com