Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Xannaanada Xoolaha ayaa kormeer qiimayn ah ku soo maray banka Aroori

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ayaa kormeer qiimayn ah kusoo kormeeray xaaladda  banka Aroori oo laga bilaabi doono mashruuca loogu dhigayo xoolo daaqsin wakhtida abaaruhu jiraan kaas oo uu maalgelinayso Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF.

Muddo afar maalmood ah ayey masuuliyiintani Waxay qiimayn ku samaynayeen dhulka uu daaqu ka nabaad guuray iyo waxyaabaha keena nabaad guurka.

Ujeedada Qiimayntan ayaa ahayd sidii loo ogaan lahaa meelaha ay dhirta iyo daaquba ka nabaad guureen ee Degaanadaasi, si looga hortago fiditaanka nabaad guurka dhulka. Sidoo kale qiimaynta ayaa waxaa ku jirtay in la ogaado nooca dhirta ama daaqa ka baxa banka Aroori, si loogu soo celiyo dhirtii iyo daaqii hore uga bixi jiray ee ka nabaad guuray.
Axmed Ibraahin Warsame oo ku takhasusay arrimaha nabaad guurka dhulka kana mid ahaa khubarada waday qiimayntan ayaa ka waramay waxyaabaha keena nabaad guurka  dhirta iyo daaqa isagoo xusey inay sababaan araimaha ay ka midka yihiin, biyaha qulqulka dhexmaraya dhul-daaqsimeedka, nasin la’aan dhulka aan la nasinayn iyo xaalufinta ama jarida dhirta.
Wasaaradda Xanaanada Xolaha ayaa waxay qorshaysay in qiimayntan ka dib lagu beero dhul-daaqsimeedkaasi dhirta iyo daaqii ka nabaad guuray.

Mashruucan soo noolaynta dhul daaqsimeedka ayaa ka mid ah mashaaruuca ay maalgelinayso Sanduuqa Hor-u-marinta Somaliland.

bandhige@gmail.com