Xubno katirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ciidamada booliiska Somaliland xabsiga u taxaabeen.
Xubnaha ciidamadu xabsiga dhigeen waxaa ka mid ah Xoghayaha guud ee xisbiga Khadar Cabdi iyo afhayeenka xisbiga Barkhad Jaamac, sida ay Xaqiijiyeen saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga.
Xadhiga afhayeenka iyo Xoghayaha ayaa imanaysa waxyar uun kadib markii uu afhayeenku Jawaab ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Taliyaha Ciidanka Bileyska Somaliland.
Shirka jaraa’id ee afhayeenku qabtay waxa uu ku sheegay inaan wax iska badalin hadalkii gudoomiye Cirro ee ahaa in ay taageerayaashu berri iskugusoo baxaan xarunta xisbiga.
Waxaa dhanka kale xusid mudan in saacadadihii u dambeeyay uu jiray khilaaf xoogan oo u dhexeeyay xukuumadda Biixi iyo Xisbiga Waddani, kadib markii gudoomiye Cirro taageerayaashiisa ugu baaqay in maalinta berri ah isugu soo baxaan xarunta xisbiga ku leeyahay magaalada Hargeysa.
Majiro war faahfaahsan oo kasoo baxay xisbiga Waddani.
Bandhige@gmail.com