“Masuuliyiinta Muqdisho ayaa sabab u ahaa tashwiishkii soo galay qaxootiga” Wasiir Cukuse

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa maanta shir-jaraaid ku qabtay magaalo-xeebeedda Berbera.

Wasiirku wuxu dadweynaha reer Berbera uga mahadceliyey sida wanaagsan ee u soo dhaweeyeen qaxootiga Soomaalida ah ee Berbera imanayey. Wuxuna sheegay in maantana Madaxweynaha Somaliland soo booqday si uu indhihiisa ugu soo arko xaaladda qaxootiga ka sokow mashaariicda uu soo furayey.

Wasiirku wuxu saxaafadda u sheegay in Somaliland quudisay isla markaana amba-bixisay 5000 ee ugu soo horeeyey qaxootiga isla markaana ay dadweynaha reer Berbera aad u soo dhaweeyeen.

Dhanka kale, Wasiir Cukuse wuxu tiraabay in tashwiishka soo galay arrimaha qaxootiga ay sabab u yihiin masuuliyiinta Muqdisho fadhiya isgoo ku sababeeyey in ay sheegteen in ay qaxootiga u fasaxeen dal aanay ka talin.

“Masuuliyiinta muqdisho ka soo hadlaysa ayaa u sabab ah tashwiishkii galay qaxootiga. Iyagaa sheegtay in ay fasaxeen meel aanay ka talin. Cadhadii aanu kaga jawaabnay ayay qaxootigiina wax yari ka soo gaadheen.” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirku wuxu sheegay in qaxootigu ay taagnaayeen waxoogaa aan daqiiqado ka badnayn laakiin sida uu hadalka u dhiga weriye “rabay in YouTube-kiisa la click-gareeyo” ama la gujiyo barta muuqaalka ee uu internet-ka ku leeyahay uu muuqaal yar oo buunbuunin ah ka duubay dhacdadii ay Somaliland daqiiqadaha ku hakisay qaxootiga.

“Sidii YouTube-kiisa loo click-gareeyey ayaa Somaliland-na loo click-gareeyey” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku wuxu saxaafadda kula dardaarmay in ay ka fiirsadaan waxa ay soo bandhigayaan qaranimada dhawraan.

Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Warancadde oo 24-kii jir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa ayaa sheegay sababo ka duwan kuwa uu Wasiir Cukuse ka dhawaajiyey maanta.

Wasiir Warran Caddey go’aankii ay Somaliland ku joojisay qaxootiga wuxu la xidhiidhiyey sababo amni iyo Somaliland oo aan awoodi wayday in ay quudiso qaxootiga tirada badan ee ku soo qulqulayey Berbera iyagoo UNHCR iyo hay’adaha kale ee caalamiga ahiba diideen in ay xukuumadda Somaliland ka caawiyaan wax-siinta qaxootiga.

Warancadde shir-saxaafadeed kale oo uu 30-kii May ku qabtay Hargeysa wuxu sheegay in Somaliland ogolaatay imaanshaha qaxootiga kadib markii hay’adda UNHCR ay fulisay dalabaadkii xukuumadda.

Sababtu waxa ay doontaba ha noqotee go’aankii ay Somaliland ku joojisay qaxootigu wuxu soo celiyey shoodh badan, iyadoo dadweynaha reer Somaliland, guud ahaan Soomaalida iyo Beesha Caalamkuba ka xumaadeen go’aankaas, taas oo keentay in Somaliland-na ay ka noqoto go’aankeedii isla markaana Madaxweyne Siilaanyo booqasho naxariiseed ugu tago qaxootiga xeradooda Berbera.

Shir-saxaafadeedkii Cukuse oo dhammaystiran hoos ka daawo.

bandhige@gmail.com