Masuuliyiinta Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland ayaa saaka kulan la qaatay Shir-gudoonka Golaha Guurida Somaliland iyo Xubno ka mid ah..

Masuuliyiinta Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland ayaa saaka kulan la qaatay Shir-gudoonka Golaha Guurida Somaliland iyo Xubno ka mid ah Mudanayaasha guurtida, kulankaasi ayaa waxa goob joog ahaa la taliyaha dhinaca siyaadada Arrimaha Debida ee Golaha Guurtida Marwo Faadumo Siciid.

Masuuliyiinta Xafiiska Dawaladda Ingiriiska ee Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay ka xog-waraysteen Shir-gudoonka Guurtida halka ay marinyaan Xeerkii isa-saarka Doorashooyinka oo horyaala Golaha Guurtida, waxa kale oo kulan lagu soo qaaday sidii xafiiska Dawladda Ingiriisku ugala shaqayn lahaa Golaha Guurtida dhinaca siyaasada arrimaha Debada.

Kulankan ayaa waxa ay ka wada hadleen labada shinac sidii wada shaqayn joogta ah looga yeelan lahaa danaha siyaasadeed iyo xidhiidhka Golaha Guurtida iyo Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.

Kulanka oo warbaahintu Dibeda ka joogta ayaa markii uu soo idlaadaya waxaa war fidiyeenka uga warbixiyay la taliyaha siyaasada arrimaha dibeda ee Golaha Guurtida Marwo Faadumo Siciid waxaan hadaladeedii ka mid ahaa.