Maxaa Jira In Teleefanada Casriga Ah Ay Keenaan Nuuc Ka Mid Ah Cudurka Kansarka?

Kadib markii lagu dhawaaqay talefoonnadii ugu horreeyay oo ah ah jilka shanaad (5G) sannadkii 2019 wixii ka dambeeyay, ayey soo bexeen walaacyo ku aaddan dhibaatada ay taleefannadan casriga ah u geysan karaan biniโ€™aadamka. Isla markiiba waxaa soo baxay dad sheegaya in taleefannada noocan ah ay sababaan cudurro iyada oo dadka qaar ay la xiriiriyeen cudurka Covid-19 oo ay isku xilliyo kusoo beegmeen.

Suurtagalnimada ah in ay sababi karaan cudurka daran ee kansarka ayaa ka mid ahayd waxyaabaha qabsaday baraha bulshada iyo weliba warbaahinta qaar. Balse waxyaabahan oo dhan ayaan la xaqiijin karin maaddaama ay jireen dadyow mar walba kalahaa ujeeddo gaar ah, sida in teknoolajiyaddani ay ahayd mid cusub isla markaana ay dalalka horumaray ku tartamayeen iyo in dadka dawladahooda dhaliilsan ku eedeynayeen in aysan dawladdoodu ka walwalsanayn bed qabka shacabka.

Waxaa baraha bulshada ka abuurmay kooxo bilaabay olole ka dhan ah isgaarsiinta casriga ah ee ku shaqaynaysa tamarta jilka shanaad.

Taleefannada ayaa sii daaya hirar shucaac ah maaddaama ay adeegsanayaan waxa loo yaqaan โ€˜Electromagnetโ€™ oo ah tamar ka kooban magnet iyo koronto labadaba. Telefoonnada casriga ah ee jilalka labaad, saddexaad iyo afraad (2G, 3G, 4G) ayaa sii daaya hirar shuucaac oo gaaraya 0.7 ilaa 2.7 GHz oo ah cabbirka mowjadda. Jilka shanaad oo goor dhow soo baxay (5G) ayaa isagu isticmaala cabbir gaaraya ilaa 80GHz.

Taleefannada isticmaala heerarka ugu sarreeya ee shucaacan ayaa sida ay daabacday mareegta xogaha dhijitaalka ah ee (digital information world) waxaa ugu sarreeya taleefannada hoos ku xusan:

Motorola Edge

ZTE Axon 11 5G

OnePlus 6T

Sony Xperia XA2 Plus

Google Pixel 3 XL

Halka kuwa ugu hooseeya ay ku tilmaameen liiskan hoose:

LG โ€“ Wing

Samsung โ€“ Galaxy Note20

ZTE โ€“ Blade A7 2020

ZTE โ€“ BLADE V7

Honor โ€“ Honor 7S

Haddaba hirarkan ayaa dhammaantood hoos yimaad heerka loo yaqaan โ€˜nonionizingโ€™ oo ka dhigan heer la xaqiijiyey in aanu awood u lahayn waxyeelaynta tooska ah ee jirka dadka sida dhagaha iwm.

Heerka hubka nukleerka ayaa isagu ah tamartan oo aad u sarreeysa, waana taas sababta marka la isticmaalo uu sannado badan ka dib saameyn ugu yeesho hidde sidaha dhammaan noolaha uu gaaray taas oo sababta waxyaabo ay ka mid yihiin in ay dhashaan carruur naafo ah ama ay wax ka qalddan yihiin qaabdhismeedkooda jirka marka loo eego sida aadmiga caadiga ah.

Xaggee walaacu ka yimid?

Sida uu qoray macโ€™hadka kansarka ee Maraykanka, walaaca laga qabo in taleefannada casriga ah ee gacantu ay sababaan kansar amaba dhibaato caafimaad oo kale, ayaa lagu sheegay laba sababood midkood: Taleefannada casriga ahi waxay isticmaalaan hirar shucaac ah, isticmaalka taleefannaduna aad ayuu ugu faafay bulshooyinka caalamka. Xitaa halis yar oo la xiriirta in ay taleefannadu sababi karaan kansar, ayaa abuuri karta walwal badan marka la eego inta qof ee adeegsata.

Tan labaad waxay tahay in kansarka maskaxda iyo nidaamyada neerfuhu ay yihiin cabsi gaar ah maadaama taleefannada gacanta la saaro dhegta oo madaxa ka tirsan iyo sidoo kale in la ogaaday shucaaca loo yaqaan โ€˜ionizingโ€™ oo ah mid ka sarreeya kan ay taleefannadu istimaalaan oo sababa nooyo ka mid ah kasarka maskaxda. Daraasado badano o kala duwan ayaa la sameeyay si loo ogaado in taleefannada casriga ah ee gacantu ay sababaan kansar, balse caddeymaha illaa hadda la helay waxay muujinayaan in aanay wax kasar ah sababin istimaalka taleefannadu.

Cilmi-baarayaashu waxay sameeyeen dhowr nooc oo daraasado dadweyne ah si ay u baaraan suurtagalnimada xiriirka ka dhexeeya isticmaalka telefoonka gacanta iyo khatarta burooyinka, โ€˜malignantโ€™ (kuwa kansarka) iyo nonmalignant (kuwa aan kansarka ahayn). Cilmi-baarisyada โ€˜Epidemiologicโ€™ oo sidoo kale loo yaqaan daraasaadka indho-indheynta waa daraasado ay baarayaashu fiirsadaan kooxo shakhsiyaad ah (dad) iyaga oo uruurinaya macluumaadka dadkaas, balse aan lagu samayn dadkaas wax faro gelin ah ee korka uun lagala socdo.

Laba nooc oo ah daraasaadka cudurrada faafa โ€“ daraasaadka kooxeed iyo daraasaadka xakamaynta โ€“ ayaa loo isticmaalay in lagu baaro xiriirka ka dhexeeya isticmaalka taleefanka gacanta iyo khatarta kansarka. Daraasada xakamaynta kiiska ayaa isticmaalka taleefoonka gacanta ayaa la isku barbar dhigaa dadka qaba burooyinka iyo dadka aan qabin. Nooca daraasad kooxeeedka ayaa la daba galayaa in muddo ah dad badan oo aan qabin wax kansar ah xilliga ay daraasaddu bilaabaynayso kuwaas oo isticmaalaya taleefan iyo kuwa kale oo qaba burooyin balse aan isticmaalayn taleefan ilaa laga gaarayo gabogabada daraasadda.

Saddex daraasadood oo waaweyn oo nacan ah ayaa la qabtay si loo ogaado xiriirka ka dhexeeya isticmaalka taleefanka iyo kansarka waxaanay dhamaantood muujiyeen in aysan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya.

Xigasho: BBC Somali

Bandhige@gmail.com