Maxaa keenay in Soomaaliya ku guulaysan waydo dacwaddii ay sheegtay in ay ka gudbisay Kiiniya?

Soomaaliya oo ka xanaaqsan safarkii uu Madaxweynaha Somaliland ku tagay Kiiniya ayaa sheegtay in ay xidhiidhka u jartay Kiiniya. Waxayna ku sababaysay in ay Kiiniya faraha kula jirto arrimaha gudaha ee Soomaaliya, iyadoo go’aankeeda shaacisay maalintii koowaad ee safarka Madaxweyne Muuse Biixi. Sidoo kale, Soomaaliya waxay sheegtay in ay Kiiniya ka dacwaynayso shirka IGAD, kaas oo bilaabmay 20kii December. Lama oga in ay ka dhab ahayd dacwaddaasi Soomaaliya iyo in ay borobogaandho ahayd.

Dad badan oo reer Somaliland ah, una badan dadka aan u dhuun-daloolin siyaasadda gobolka IGAD, ayaa werwer ka qabay in ay shirkaas ka soo baxaan qodobo lagu durayo kulankii Madaxweyne Muuse iyo Madaxweyne Uhuru.

Hase ahaatee, markii uu 21-kii December soo baxay war-murtiyeedkii shirku, waxa caddaatay in aanu ku jirin qoddobo lagu durayo Kiiniya ama Somaliland. Taas beddelkeeda, waxa la dhiirigeliyey in dib loo soo celiyo wadahaddalladii Somaliland iyo Somalia, kaas oo ah qodob ay Somaliland danayso.

Su’aasha isweydiinta lihi waxa weeyi, maxaa ku dhacay dacwaddii Soomaaliya ka gudbinaysay Kiiniya?

Afartan arrimood ayaa la odhan karaa waxay caqabad ku noqdeen cabasho ama dacwad kasta oo ay Soomaaliya ka gudbin lahayd Kiiniya.

  1. Kiiniya oo ka awood badan Soomaaliya dhinaca diblomaasiyadda

Xurgufta diblomaasiyadda waxa badanaa ku guulaysta waddanba ka uu ka dhaqaale badan yahay, ka galaangal iyo xidhiidho badan yahay, kana sumcad badan hahay. Dawladda Soomaaliya waa ta ugu itaalka daran dhinaca diblomaasiyadda marka la eego xubnaha ururka IGAD, halka dawladda Kiiniya ay ka mid tahay kuwa ugu muruqa weyn, haddiiba aanay ahayn dawladda ugu diblomaasiyadda dheer IGAD. Sidaas daraadeed, marka horeba lama filayn in ay Soomaaliya miiska IGAD kaga adkaan doonto Kiiniya. Taas ka soo horjeedkeeda, waxa la fishaa in mar walba uu soconayo ajandaha ay Kiiniya wadato.

2. Arrinka Tigrayga

Arrinka ugu culus ee ka taagan Gobolka IGAD waa dagaalkii ka dhacay gobolka Tigrayga. Sida wararku tibaaxayaan Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya ma oggolayn in qodobkaas lagaga doodo shirka IGAD, wuxuuna marka horeba sii shaaciyey in ay tahay duruuf arrimaha gudaha ee Itoobiya ah. War-murtiyeedka IGAD waxa lagu soo qoray farriin la mid ah farriimihii ay xukuumadda Itoobiya u gudbinaysay dunida intii uu socday dagaalka Tigraygu. Waxay u eg tahay in qodobkaas ay Itoobiya gacanteeda ku qoratay. Mar haddii madaxdii gobolku ay awood u yeelan waayeen in ay qodob mug leh ka soo saaraan dagaalkaa dhiiggu ku daatay, suurogal maaha in ay ka garnaqaan cabashooyin aan cago adag ku taagnayn.

3. Maaha wax cusub in Madaxweynaha Somaliland la kulmo madaxda IGAD

Kulanka Madaxwne Muuse Biixi iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta wuxu ahaa waxa afka diblomaasiyadda lagu yidhaa “status quo” ama xaalad hore u sii jirtay. Maadaama ay Somaliland 30 sanno gaar u taagnayd, xidhiidho badan oo diblomaasiyadeedna ay leedahay, isla markaana uu madaxweynaha Somaliland horey ula kulmay Madaxweynaha Jabuuti, Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya iyo madax kale oo adduunka ah, suurtogal may ahayn in lagu qabsado Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxad la kulantay Madaxweynaha Somaliland.

4. Madaxda IGAD oo aan isku sanbannaanayn

Madaxda IGAD waxa dhexdooda ka jira khilaafyo noocyo kala duwan ah. Waxa la odhan karaa waxa ay isku raacsan yihiin waxa ka badan waxa ay isku diidan yihiin. Itoobiya iyo Suudaan waxay isku haystaan dhul xadka ku yaalla iyo qaybsiga webiga Niil, Ereteriya iyo Jabuuti waxay isku haystaan xadka Dumeera, Kiiniya iyo Soomaaliya waxay isku haystaan xuduudda badda, Suudaanta Koonfureed khilaafkii dhexdeeda ka jiray wuxu sababay in Madaxweyne Salva Kiir ay isa seegaan madaxda IGAD qaarkood. Cilladahaa diblomaasiyadeed ee ka dhex jira IGAD marka la eego, waxa adkaata in uu waddan IGAD ahi ka soo cawdo waddan kale oo IGAD ah. Sidaas daraadeed shirka IGAD waxa lagaga wada hadlaa oo kali ah ajendayaasha guud ee dhaqaale iyo kuwa horumarineed, waxaana aalaaba laga soo saarayaa war-murtiyeed aan cidna ka cadhaysiinayn cid kalena wax u tarayn.

Bandhige@gmail.com