Maxaa lagala bixi karaa dooddii musharaxiinta Jamhuuriga ee Maraykanka?

Republican presidential candidates pose for a photo before the start of the Iowa GOP/Fox News Debate at the CY Stephens Auditorium in Ames, Iowa, Thursday, Aug. 11, 2011. Pictured from left to right: former Pennsylvania Sen. Rick Santorum; businessman Herman Cain; Rep. Ron Paul, R-Texas, former Massachusetts Gov. Mitt Romney; Rep. Michele Bachmann, R-Minn.; former Minnesota Governor Tim Pawlenty; former Utah Gov. Jon Huntsman; former House Speaker Newt Gingrich. (AP Photo/Charlie Neibergall)

Murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanka ayaa Khamiistii si adag isku waajahay. Dadka siyaasadda falanqeeyaa waxa ay sheegeen in dooddaasi ay muujisay in sannadkan Jamhuuriga aanu ka soo bixin murashax xiddig ah oo laga daba dhici karaa.

Dooddii xala oo ahayd tii labaad, waxay soo noolaysay haweenayda maal-qabeenka ah ee madaxda ka ahaan jirtay shirkadda HP ee magaceeda la yidhaa Carly Fiorina iyada oo muujisay dulqaad iyo maskax furnaan.

Ninka aadka u dhiirran ee la yidhaa Donald Trump oo tan iyo intii uu musharaxnimada ku dhawaaqay looga bertay weedho iyo ficillo muran ka dhex dhaliya dadka Maraykanka ayaa ula badheedhay fallo uu doonayey in uu kaga xanaajiyo. Wuxu ku yidhi:

“Carly waxad leedahay waji aad u qurux badan. Waxad tahay gabadh qurux badan.”

Hase ahaatee Carly waxay muujisay in ay tahay qof dul-qaad badan. Way eegtay iyada oo la yaaban laakiin uma ay jawaabin.

Dadka iyaguna dooddan xalay sidoodii hore ka fiicnaa waxa ka mid ahaa Jeb Bush oo ah walaalka Madaxweynihii hore ee Maraykanka iyo wiilka Madaxweynihii hore ee Maraykanka.

Jeb oo dooddii hore laga dareemay in uu yahay nin aan aad u furfircoonayn, aftahanna ahayn ayaa xalay kordhiyey aftahannadiisa iyo firfircoonida uu doodda kaga qayb galayo. Wuxuna si macquul ah uga jawaabay su’aalo laga waydiiyey walaalkii.

“Walaalkaa wuu la degay dalka Maraykanka. Maxaad ka qabtaa?” ayaa la waydiiyey.

Jeb Bush wuxu ku jawaabay:

“Anigu ta kaliya ee aan idiin sheegi karaa waxa weeyi in walaalkay uu badbaadiyey amniga Maraykanka”

Qofkii ka soo baxa Jamhuuriygu wuxu doorashada Maraykanka ku waajihi doonaa Hilary Clinton ama Joe Baiden oo la filayo in uu is sharxo. Waa laba qof oo ku gaamuray siyaasadda, laakiin leh nabarro siyaasadeed.

Waxa la saadaalinayaa in doorashada sannadkani ay noqon doonto mid aad u adag oo aan la saadaalin karin.

Bandhige@gmail.com