Maxaa Sababa in la Helo Hoggamiyayaal Wanaagsan- (Fallanqeynta Buugga Hoggaaminti Mahathir ee uu qorey Macallin Abdinasir Sahal )

Maxaa Sababa in la Helo Hoggamiyayaal Wanaagsan-Fallanqeynta Buugga Hoggaaminti Mahathir ee uu qorey Macallin Abdinasir Sahal

Ayaamahan waxa ay dhaayaheenu qabanayaan buugga jaldiga cas ee uu qoray Macallinkeena Nasirย  Sahal,kaasi oo ka hadlaaya hoggaaminta,gaar ahaan hoggaaminta casriga ama cussub ee nolosha wakhtigani sida xoogan ugu baahan tahay.Nasir wuxu fikirkiisu ka tallaabey xudduddaha isaga ooย  Mid ka mid ah wadamadda Aasiya ee Wax laga baran karo Hoggamiyayaashi soo Marey wax inooga soo qorey.sida Dareenada qorraaga buugga ka muuqatana waxa cad in Hoggamiyayaal Dhulka Soomalida Jooga oo Saameyn ku yeesha Qorraaga qalbigiisa, hoggaamintoodana la jecleysan karo la waayey si wax iyaga horta looga qoro intaan kuwa caalamiga ah qalinkeenuย  suureyn.

Hoggaamiye Marka laga hadlaayo Dalku doono ha joogo amma sida Shirkad,Meel ganacsi,dawlad iwm ha ka shaqeeye,Masuuliyadiisa hoggaamineed ma noqon karto mid taabo gasha haddii aaney Jirin siyaasad iyo xeelad hageysa taasi oo ficil u beddeleysa aragtiyaha la rabo in la meel mariyo,si guud ahaan dalka iyo shirkadihiisuba ay u noqdaan kuwo muuqda,yoolasha,hamiyada iyo ujeeddooyinka oo si buuxda u qeexanย  una muuqdaa lana fahmi karo oo sharaxan ayaa hoggaaminta macnoย  u yeesha.hoggaamiyaha oo dhankiisa shaqadiisa sida shaqaalaha qabsanaaya isla markaasina ah xirfladlehย  abuuri kara xidhiidh wada shaqeyneed ayaa hoggaminta qaabeysa.

saameyntu waa waxa ugu weyn eeย  hoggamintaย  furaha u ah,mase aha awood sheegashada iyo cabsi gelinta.hoggaamintu waa tusaaleynta ku dayashada leh ee lagugu arkaayo, taasi oo dhiirigelin u ah dadka intiisa kale.hogaamiye kasta oo wanaagsan wuxuu ahaan jirey shaqaale fiican ka hor hoggaamintiisa,kursiga awooda iyo maggacuย  qiimo buuran uguma fadhiyaan haddii aan karti,tamar,samir,naxariis, iyo hal abuuridย  aanu laheyn qofka ku fadhiya.

hoggaamintu waa awooda aan kula shaqeyneyno kuwa inaga aragtida duwan ama inaga aqoonta iyo dhaqanka duwan.waxa hoggaaminteena raadeyneyaa horumarka shaqadeenu sameyneyso,iyo kalsoonida nafteena aan ku qabno taasi oo si xoogan u taabo galineysa shaqada hoggaaminta.hoggaamintu keliya maaha in aad had iyo jeer qabato wixi sax ah,waase in aad waxa hagaagsan si sax ah ugu shaqeyso ugana faa,ideysato

hoggaamiyayaashu waxa ay rabaan in ayย  himilooyinkooda xaqiiqo iyo ficil u beddelaan si ay u noqdaan dhiirigeliyayaal koriya oo horumariya shaqalahooda iyo kuwa kale ee ay dalka iyo urur ka wada tirsan yihiin.in aad baahidada ka hor mariso ta dalka,dadweynaha iyo shaqalaha ayaa ah calaamad muujineysa sifooyinka hoggaminta wanaagsan.

La soco Qeybaha Kale insha Allah

Abdifataah M.Ahmed

Ceelaabe_10@hotmail.com

 

.